Madaxweyne Biixi Oo Safar Ku Tagaya Kenya Iyo Madaxweyne Uhurru Kenyata Oo Socdaal Ku Imanaya Somaliland.
Gebo Gebo News

May 23rd, 2019
Madaxweyne Biixi Oo Safar Ku Tagaya Kenya Iyo Madaxweyne Uhurru Kenyata Oo Socdaal Ku Imanaya Somaliland.

Hargeysa(Gebogebonews)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu socdaal ku tagi doono magaalada Nayrobi ee dalka Kenya.

Sidaas waxa bartiisa twitterka ku qoray Rashiid Cabdi oo ah khabiir hore uga tirsanaa hay’adda ICG, ahna nin aad uga falanqooda arrimaha gobalka iyo caalamkaba. Rashiid oo degen magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, ayaa waxa kale oo uu sheegay in Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyata uu isna socdaal ku iman doono caasimadda Hargeysa ee Somaliland. Rashiid wuxuu sheegay inuu soo xiganayo warar Kenyan ah oo xogogaal ah, “Xogo Kenyan ah oo xogogaal ah ayaa sheegay in shirkadda Dahab shiil oo ah xawaalada keliya ee aan ahayn mid qas badan ay ka shaqayn doonto Kenya. Kuwa kale waa la xidhi doonaa.” Ayuu yidhi Rashiid oo intaas raaciyay in shirkadda Dahab Shiil ay xidido ku leedahay Somaliland.

 

 

Rashiid Cabdi, wuxuu intaas raaciyay, “Iyadoo la filayo in Madaxweyne Biixi uu socdaal rasmi ah oo deg deg ah ku yimaado Nayrobi. Madaxweyne Kenyatta ayaa isna booqan doona Hargeysa ka hor dhammaadka sannadka.”

 

 

 

Ma jiro wax jawaab ah oo ay dawlada Kenya kaga jawaabtay qoraalka uu twitterka ku qoray Rashiid Cabdi oo ah nin xogaha uu baahiyo aad loo xigto, kuna xidhan dad badan oo caan ku ah wararka iyo siyaasadda gobalka Geeska Afrika.

 

 

 

Laakiin qoraalkan uu Rashiid qoray ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii xoogaysatay xurguftii diblomaasiyadeed ee u dhaxaysay Kenya iyo Soomaaliya. Rashiid Cabdi ayaa hore u saadaaliyay in Kenya ay qaadi doonto talaaboyin dhawr ah oo ay culays iyo ciqaab diblomaasiyadeed uga dhigayso dawladda Soomaaliya.

 

 

Ka dib hadalka Rashiid, Ciidamada ammaanka ee Kenya ayaa la sheegay shalay inay galeen qaar ka mid ah xafiisyada xawilaadaha.

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

508 Views




Features

  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
More FEATURES