Soonka iyo Sayniska. Soonku Waxa uu Caawiyaa Ka Hortagga Kansarka. Qalinkii: Sadam Osman Kaabash.
Gebo Gebo News

May 24th, 2019
Soonka iyo Sayniska. Soonku Waxa uu Caawiyaa Ka Hortagga Kansarka. Qalinkii: Sadam Osman Kaabash.

Soonku waxa uu caawiyaa daawaynta kansarka iyo ka hortaggiisaba,

waa sida ay tibaaxayaan cilmibaadhisaha sanadadan danbe ay soo saarayaan saynisyahanadu”.

Cimibaadhso cusub ayaa sheegaya, in soonku ka dhigo unugyada qaba kansar in ay si’fiican uga jaawaaban daawooyinka loo qaato kansarka. Sido kale, soonku waxa uu caawiyaa habka difaaca jidhka si’uu ula dagaalamo kansarka. Si kastaba ha ahaate, cilmi baadhayaashu waxay caddeeyeen in soonku hoos u dhigo kansarka, isagoo yaraynaya tamarta ay helayaan unugyada qaybsamayaa. Sidoo kale, soonku waxa uu ka hortag fiican u yahay xanuunada buurnida iyo macaanka oo aakhirka sabab u noqda kansar. Tusaale: cilmibaadhsi la sameeyey 2017, waxaa lagu sameeyey dad qaba macaanka, gaar ahaan, type-2-diabetes. Dadkaasi waxay soomeen 24 saac saddeex jeer halkii todobaadba muddo ku simman 4 bilood. Afar bilood ka dib, dadkaas soommanaa waxa uu miisaankoodii hoos u dhacay 17.8%. Sidoo kale, waxaa yaraaday baahida ay uqabaan in ay qaataan kiniinka macaan, iyagoo heerka glucoskooduna hoos u dhacay. Cimi baadhayaasha casriga ahin waxay aaminsanyihiin in Soonku kaalin wayn ka qaadan doono xakamaynta kansarka. Hasayeeshee, weli lama haayo cilmi baadhis dhab ahaan qeexaysa daawada rasmiga ee kansarku inuu noqon doono soonka.

 

 

 

Maalinkasta jidhka aadamuhu waxa uu ku jiraa meerto-nololeed ku dhisan burburin iyo dib-u-cusboonaysiin. Jidhka aadamuhu waxa uu ka koobanyahay 15 taraalyan oo unugyo ah. Ugu horrayn, unuggu waa aasaaska hab-nololeedka aadamaha, waa qaabdhiskeedka ugu yar ee suurto gelinaaya nolosha noolaha oodhan. maalinkastana waxaa la faafreebaa malaayiin unugyo ah. Kolkasta oo jidhku burburiyo unugyo, waxaa la unkaa beddelkooda oo tiro ahaan iyo tayo ahaan ba u dhigma. Tusaale ahaan, halka unug ee la burburiyo waxaa laga reebaa unug kale oo nuqul ahaan ay isku dhigmaan qaab ahaan iyo tiro ahaan ba. Ujeedka nuqul looga reebayo unuggii la buburiyey waa in labada unug astaan iyo shaqo ahaan ba is-dheellitirayaan, unuga barbilawga ahina qaban karo dhammaan shaqooyinkii unugii hore haayey. Inta lagu jiro isbeddel unugeedkan waxaa dhaca khaladaad. Inkastoo hab-is-dhammaystiraya uu jidhku haga hortago khalad kastoo dhici kara inta lagu jiro qaybsan unugeedka, hadana khaladkaasi waa mid ku imaan kara unugga inta qaybsan kani socdo. Si kastaba ha ahaatee, khaladaad yimid awgeed intii lagu hawlanaa unug qaybsameedka, waxaa halkaas ka bilaabmaysa halis caafimaad. Halis taasina waxay horseedaysaa unug-qaybsameed aan xaddi lahayn. Kana madaxbanaan habka isku dheellitiranka unugii la buburiyey iyo ka samaysmaya. Welibana aan laga soo saarin khaladaadkii ku yimid xilligii la unkaayey unuga cusub. Unugaas cusubina waxa uu s’ lama filaana –oo aan lahayn xakamayn jidheed, bilaabayaa xaalad iska reebid nuqullo aad u badan. Habkan unugga cusubi iskaga reebo nuqullo aad u badan oo aanu jidhku u baahnayn waxaa loo yaqaannaa xanuunka kansarka(tumor). Tumor ama kanserku waxa uu qaybsamaa laba qaybood; benign tumor( buro) iyo malignant tumor( buro kansar ah). Haddaba, muxuu yahay faraqa u dhexeeyaa? Benign tumor waxay ku kortaa kolba nudda ay ka soo baxdo. Mararka qaarna waxay noqotaa buro korriinkeedu weynyahay, lehna astaamo halis ah, xatta keeni karta dhimasho degdega, inkasto buradani badanaa aanay saa u sii khatar badnayn. Tusaale, fibroid tumor, waa buro ku yagleelanta makaanka haweenka, waana nooc kamid ah burooyinka benign tumors ee ku samaysma jidhka aadamaha. Buradani waxay keentaa dhiigid, damqasho joogto ah oo laga dareemo makaanka. Hasayeeshee, buradani ma dhaafto makaanka dumarka. Is la sidan ayey dhammaan benign tumorsku ugu eegyihiin kobta ay ka soo baxaan. Malaha awoodda ay ku gaadhaan unugyada dhiigga, ama goob kale oo ay ku faafaan.

 

 

 

 

Dhinaca kale, malignant tumor waxay leeyihiin awoodda ah in ka gudbaan nudayaasha ay ka so unkamaan iyaga oo raacaya dhiigga, gaadhayana xubno kale oo jidhka ka mid ah. Isla bartaasna waxay ka yagleelaan kansar is na faafaya khatartiisuna badantahay. Habkan faafidda bilaa xad ah, waxaa looyaqaannaa “metastatis”, waa astaanta lagu yaqaanno kansarka faafa.

 

 

 

 

Habka kale duwanaanshaha ee benign tumor(burooyinka) iyo malignant tumor( burooyin kansareedka) marka la eegayo, gaar ahaan, xagga baadhista muuqaalkooda, iyadoo la adeegsanayo Microscope-ka waxaa jira faraq kale duwanaansho oo laxaad leh. Buro-kansareedku(malignant tumor) waxa uu u muuqdaa mid muuqaal ahaan burooyin ka dhalangeddisan unugyada jidhka, halka burooyinka(benign tumors) waxbadan aanay kaga geddisanayn unugyada jidhka ee qaybsanka joogtada ku jira.

 

 

 

Kansarku, waa koox ku dhaw boqol xanuun, bar kasta oo jidhka aadamaha ku dhaca, si’ fiicanna ugu eeg xanuunada faafa ee ay noolayaashu keenaan. Kala-saaridda kansarka iyo xanuunada noolayaashu keenaan waxaa lagu ogaan karaa shaybaadh degdega intaanu xanuunku faafin. Kansarka waxaa loogu magac daraa kolba xubinta ama nudayaasha uu ku dhaco. Tusaale; kansarka sambabada kudhaca(lung cancer) ee sameeya faafis (metastatis), kama danbaystana gaadha beerka, waxaa loo bixinayaa “kansar sambabeed gaadhay beerka”. Sidoo kale, kansarka haleela naasaha (breast kancer), aakhirkana ku faafa maskaxda, is na waxa loo yaqaannaa “kansarka naasaha ee ku faafay maskaxda”.

 

 

 

 

Dhammaan kansarku waxa uu ku kale geddisanyahay goobaha uu ku dhaco. Sidaa darteed, daawayntiisa iyo la socodkiisuna waa kale duwanyahay. Sii-noolaansha qofka uu ku dhacaana wuu kale geddisanyahay. Tusaale; qofka uu kansarku ku dhacaa waxa uu qabaa xanuun kansar ah , keligiina u gaar ah. Habka la-socdkiisa iyo daawayntiisuba la mid maaha qofka kale ee is na kansarka qaba.

 

 

 

 

Sababaha keena kansarka: 

waxyaabaha keena kansarka waxaa loo yaqaannaa kaarsinoojins(cancinogens). Kansarka waxaa keena dhawr asbaabood oo is-biirsaday mid ka mid ah ama koox isku lammaan:

1. Asbaabo nololeed sida da’da, jinsiga, hiddasidayaal la kale daxlo, iyo nooca maqaarka qofka. Sidoo kale, waxaa kamid ah: bakteeriada keenta gaastariga, fayraska keena jooniska, iyo Epstein-Bar virus oo sababa kansarka cunaha.

 

 

 

 

2. Sababo degaan, sida raajooyinka, iyo taawarada isgaadhsiinta.

3. Sababo shaqeed sida, kiimikooyinka, walxaha(radio-active) soo daaya shucaaca sida biraha iyo macdanaha dhulka laga soo faqo, hadhaaga warshadaha, iyo kiimikooyinka caagaaga laga farsameeyo(vinyl chloride).

 

 

 

4. Asbaabo la xidhiidha nolosha. Tusaale: tubaakada, alkoolada, shucaaca cadceeda, kiimikooyinka cuntada qaar sida (nitrateka iyo haydarocarbons) ee lagu warshadeeyo marka la cabbaynayo.

Sidaa looga hortaaga kansarka:

Ma jiro sababo cayiman oo daawo ka ah ka hortagga kansarka. Laakiinse, hawlwadeennada caafimaadku waxay ku taliyaan dhawrkan sababood.

a. Joojinta qiijinta tubaakada, tubaakadu waxay sababtaa kansarka ugu badan ee ku dhaca hawa mareenka. Joojinteeduna waxay ka hortagtaa dhammaan kansarka ay keento tubaakadu.

b. Cunista cunto-dheellitiran. Waa cuntooyinka u badan khudaarta iyo kuwa ka soo baxa dhulka ee baalka leh.

c. Jimicsi. Jimicsigu waxa waxa uu jidhka ka saaraa walxa qashinka ah ee ka yimid burburinta kiimikooyinkii jidhku aanu u baahnayn.

d. Qofka oo yeesha miisaan dhammaystiran. Markasta oo miisaanka qofku bato waxaa ku so derriyey jaaniska uu u qaadi kark kansar. 

e. Iyo qofka oo markasta isticmaala qalabka jidhkiisa ka ilaaliya shucaaca, kiimikooyinka iyo dareeraha ay la socdaan walxaha kansarka keena, marka uu ka shaqaynayo warshadaha.Sadam osman kaabashBiomedical Scientist.Fekerka aqoonyahankaHargeisa, SomalilandDegmada:

 

 

 

 

Maxamed Mooge. 
sadamkabash99@gmail.com

41 Views




Features

  • Xukumada Somaliland Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Midnimo Uu Ku Baaqay Madaxweyne Farmaajo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
More FEATURES