Somaliland Oo War Kasoo Saartay Hadalkii DF Somalia Ee Qunsuliyadda Kenya
Gebo Gebo News

June 10th, 2019
Somaliland Oo War Kasoo Saartay Hadalkii DF Somalia Ee Qunsuliyadda Kenya

Hargeysa (GeboGeboNews) –Xukuumadda Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmamaantay si adagna uga hadashay hadalo ka soo kala yeedhay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya Axmed Cawad oo sheegay inay Soomaaliya u ogolaatay dawladda Kenya inay xafiis ka furato Hargeysa.

 

 

Warbixin uu dhawaan qoray Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa wuxuu Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ku sheegay inay dawladda Soomaaliya u ogolaatay dawladda Kenya inay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

 

 

 

“Waa dawladda Soomaaliya cidda Kenya siisay ogolaanshaha inay qunsuliyad ka furato Hargeysa, Kenyana waxay annagana noo ogolaatay inaanu qunsuliyad ka furano Mombasa haddii aanu doonayno.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

 

 

 

Hase yeeshee Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa sheegay inay dawladda Soomaaliya isku dayday inay hor istaagto xafiiska ay Kenya ka furanayso Somaliland balse ay u suurtogeli wayday.

Wasiir Faratoon ayaa yidhi  “Soomaaliya waa u cadaw Somaliland, Xafiiska Kenya ay ka furanayso  Somaliland-na aad bay uga cadhootay, marar badana waxay isku dayeen inay hor istaagan, taasina way suurtagali wayday, xiitaa horumar kasta oo Somaliland u soo kordha aad bay uga xumaadan, markaas Somaliya qaab ay kula heshiiso ayey garan weyday Kenya, waxayna qiil ka dhigatay Xafiiskan oo aanay shaqo ku lahayn fududayntiisa”

 

 

 

“Somaliland wadamada iyo cid kasta oo ay la macaamilayso uma sii marto Somaliya, wakiilna inagama aha Somaliya, laakiin Maamulka Muqdisho waxay ka xumaadeen xidhiidhka Somaliland iyo Kenya, iyo khilaafka soo kala dhex galay Kenya, markaas haddii Maamulka Muqdisho uu garan waayeen qaab ay kula heshiiyaan Kenya, maaha inay Somaliland qiil ka dhigtaan”.

283 Views




Features

  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
More FEATURES