Xaaladda Sudan Oo Wali Cakiran Iyo Shaqa Joojin Guud Oo Dhaqan Gashay
Gebo Gebo News

June 10th, 2019
Xaaladda Sudan Oo Wali Cakiran Iyo Shaqa Joojin Guud Oo Dhaqan Gashay

Ciidamada Sudan ayaa isticmaalay suntan dadka ka ilmaysiisa si ay u kala ceyriyaan dibadbaxayaal isugu soo baxay bartamaha magaalada Khartuum.

 

Afar qof ayaa ku dhimatay maalinkii kowaad ee shaqa joojinta, sida ay sheegeen dhakhaatiirta gacan-saarka la leh mucaaradka.

 

Ururada hogaaminaya dibadbaxyada Sudan ayaa waxay shalay ku baaqeen in shaqa joojin guud si militariga loogu cadaadiyo in ay xukunka ku wareejiyaan rayidka.

 

Qaar ka mid ah shaqaalaha bangiyada,garoomada iyo waaxda korantada ayaa xabsiga loo taxaabay sida ay sheegeen kooxaha dibadbaxa soo qabanqaabiyay.

 

Ururka ay ku bahoobeen xirfadlayaasha Sudan ayaa waxay sheegeen in shaqaalaha sidoo kale ay xukuuumadda hanjabaad kala kulmeen si looga cabsi galiyo in shaqa joojinta ka qayb qaataan.

 

Golaha militariga ee haya talada dalkaasi ayaan wali ka hadlin xaaladihii ugu dambeeyay.

 

Tan iyo intii ay militariga xukunka la wareegay waxa sii xoogaystay dibadbaxyada iyo isku dhacyada ciidamada ammaanka iyo dibadbaxayaasha.

Ra’isul wasaaraha Itoobiya ayaa isku dayaya in uu u kala dabqaado labada dhinac si xiisadda loo dajiyo.

Golaha militariga Sudan ayaa waxay horey u sheegeen in ay joojiyeen wadahadaladii ay la lahaayeen mucaaradka,waxayna militariga billaabeen in ay xoog uga hortagaan dibadbaxayaasha.

Ururka Midowga Afrika ayaa joojiyay xubinimadii Sudan tan iyo inta xukunka lagu wareejinayo dowlad rayid ah.

Ha’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dhankooda ka digay gacanta adag ee ay laamaha ammaanka kula dhaqmayaan dibadbaxayasha

143 Views




Features

  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
More FEATURES