Qaramada Midoobey Oo Ka Digtay Xiisad ka Soo Dhex Cusboonaatay Serbia Iyo Kosovo
Gebo Gebo News

June 11th, 2019
Qaramada Midoobey Oo Ka Digtay Xiisad ka Soo Dhex Cusboonaatay Serbia Iyo Kosovo

Kosovo (GeboGeboNews)   Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee dalka Kosovo ayaa sheegay in xaaladda gobolka aysan “cago adag ku taagnayn” sababtoo ah buu yiri xiisadda u dhaxeysa dalalka Serbia iyo Kosovo.

 

Warbixin uu u soo bandhigay Qaramada Midoobay ayuu Zahir Tanin ka digay xiisadda labada dal u dhaxeysa.

 

Warbixintan ayaa soo baxaysa iyada oo la xusayo 20 sano guuradii ka soo wareegtay markii ciidamadii Yugoslav ay ka baxeen Kosovo.

 

 

Balse ergayga Qaramada Midoobey ee Kosovo Zahir Tanin ayaa ka digaya in xilligani uusan ahayn waqti la dabaldago.

 

Waxuu sheegay in haddii labada dhinac aysan si dhab ah u wadahadlin xaladda “ay meeshii hore ku laaban doonto “.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Kosovo Zahir Tanin ayaa warbixintiisa waxay farta ku fiiqaysaa go’aanka Kosovo ay canshuur boqolkiiba boqol ah ugu soo rogtay badeecooyiinka laga keeno Serbia.

Tanina ayaa ka digay in xiisadda labada dhinac ay tahay mid culus oo loo baahan yahay in la dajiyo.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Kosovo Zahir Tanin ayaa dhanka kale cambaareeyay xarigga loo gaystay shaqaala ka tirsan Qaramada Midobey.

Waxa uu sheegay “in awood xad dhaaf ah loo isticmaalay ” markii ay booliiska Kosovo xirayeen shaqaalahaasi.

Mr Tanin ayaa Belgrade iyo Pristina ugu baaqay inay ka wada shaqeeyaan sidii xiriirka looga dhigi lahaa mid caadi ah “loona heli lahaa xasilooni waarta ” oo gobolka lagu soo dabaalo.

Mowduucyada la xiriira

143 Views




Features

  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
More FEATURES