Sirdoonka Kenya Oo Shaaciyay Tirada Al Shabaab-Kii Ugu Badnaa Oo Gudaha U Galay Kenya
Gebo Gebo News

June 11th, 2019
Sirdoonka Kenya Oo Shaaciyay Tirada Al Shabaab-Kii Ugu Badnaa Oo Gudaha U Galay Kenya

Nairobi (GeboGeboNews)-Warbaahinta dowladda Kenya ayaa shaacisay in xubno ka tirsan Al Shabaab ay gudaha u galeen deegaano ka tirsan dalka Kenya, waxaana sii korortay cabsiga laga qabay weeraro ay ka geystaan gobolka waqooyi Bari dalka Kenya.

 

 

 

Ku dhawaad 40 Dagaalame oo ka tirsan Al Shabaab ayaa la sheegay inay gudaha u galeen dalka Kenya, waxaana warbaahinta Kenya ay shaacisay inay ka gudbeen dhanka xuduuda Soomaaliya todobaadkii lasoo dhaafay.

 

 

 

Warbaahinta Kenya ayaa shaacisay in hay’adaha Sirdoonka Kenya ay ka heleen macluumaadka ku saabsan in xubnaha Al Shabaab ay gudaha u galeen dalka Kenya.

 

 

 

Kooxda ayaa la rumeysanyahay in ay ku dhuumanayaan magaaladda Lafey ee ismaamulka Mandheera, waxaana laga cabsi qabaa in ay qaadaan weerarro aargoosi ah oo daba socda Sarkaal todobaadkii hore looga dilay tuulo lagu magacaabo Dawaduba.

 

 

“War aan la xaqiijin ayaa sheegaya in kooxdu ay doonayaan in hub looga furtay Dawaduba dib loogu soo celiyo 24 saac gudahood, haddii kale ay caradooda kala dul dhici doonaan Bulshadda deegaanka” ayaa laga aqriyay warka sirdoonka Kenya laga helay.

 

 

 

Sirdoonka Kenya ayaa laamaha amaanka la wadaagay macluumaadka kooxda gudaha u gashay Kenya, waxayna sidoo kale kaga digeen inay yareystaan macluumaadka lala wadaagay laamaha amaanka Kenya.

 

 

 

Taliyaha Booliiska Mandera Jeremiah ole Kosiom ayaa shegay in  ay ka warqabaan in Al-shabaab ay deegnadda Mandheera hoosta ku dhuumanayaan wuxuuna sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan.

 

 

 

Todobaadkaan Kenya ayaa gabi ahaanba joojisay isku socodka gaadiidka dadweynaha ee magaalooyinka Mandheera iyo Nairobi ee dalka Kenya, iyada oo laga baqayo weeraro Al Shabaab ay geystaan.

199 Views




Features

  • Wasiirkii hore Ee Hawlaha Guud Cali Mareexaan Oo Soo Jeediyay In Miiska Uu Ku Shaqeeyo Madaxweyne Biixi Loogu Magac Daro Fannaan Caan Ah.
  • Wasiirka Wasarada Biyaha Saleeban Cali Koore Oo Isku Shandhayn ku Samayeey Agaasime Waaxeedyada Wasaaradaasi.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
More FEATURES