Arrin 20 Sanno Si Qarsoodi Ah Uga Dhaxeysay Israa’iil Iyo Imaaraadka Oo La Ogaaday.
Gebo Gebo News

June 12th, 2019
Arrin 20 Sanno Si Qarsoodi Ah Uga Dhaxeysay Israa’iil Iyo Imaaraadka Oo La Ogaaday.

Tell Aviva(Gebogebonews)-Wargeyska Macaarif ee laga leeyahay Israa’iil ayaa qoray inuu jiro xidhiidh gaar ah oo in ka badan 20 sanno si qarsoodi ah ugu dhaxeeyey Dowladda Imaaraadka Carabta iyo Maamulka Israa’iil.

 

Sidoo kale wargeyska ayaa sheegay inuu jiro iskaashi dhanka Sirdoonka iyo Amniga oo qoto dheer kaasoo ka dhaxeeyo Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta.

 

 

 

Falanaqeeyaha wargeyskaan u qaabilsan dhanka Sirdoonka Yossi Maiman ayaa sheegay in sababta xidhiidhkooda ay tahay kadib markii uu batay danaha siyaasadeed ee labada dhinac iskaga xidhan.

 

 

Yossi Maiman ayaa warbixintaan oo la daabacay sabtidii ku sheegay in Abu Dubai ay hormarisay xidhiidhka ay la leedahay Israa’iil, isagoo sheegay inay ula macaamisho sida wadan dhammeystiran.

 

 

 

Wuxuu intaas kusii daray in Imaaraadka ay Israa’iil ka caawiso arrimaha Sirdoonka halka Tel Aviv ay iyadana howlo sirdoon ka sameyso gudaha Imaaraadka Carabta.

 

 

 

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in Dowladaha Israa’iil iyo Imaaraadka ay iska kaashadeyn sameynta isbaheysi ay ku mideysan yihiin Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar kaasoo loogu tallagalay in lagu tirtiro Ururka Ikhwaanul Muslimiin.

 

 

 

Wargeyska ayaa fashiliyay in Si ay imaaraadka u gaadho danaheeda gaarka ah ay Israa’iil laba qarni bixineysay lacagaha lagu iibinayey Hub farabadan iyo Qalabka difaaca taaso qiimaheeda lagu sheegay Boqolaal Milyaar oo dollarka taasoo laga soo iibinayey dalka Mareykanka, waxayna arrintaas keentay inay Israa’iil xidhiidh wanaagsan la yeelato Imaaraadka Carabta.

 

 

 

Imaaraadka ayaa kala shaqeysay Madaxweynaha Mareykanka Trump in Israa’iil laga caawiyo Farsamada casriga ah ee sameynta hubka si ay ugu isticmaasho dagaalka ay kula jirto Falastiin.

 

 

 

Shirkadda NSO ee laga leeyahay Israa’iil ayaa dhankeeda Abu Dubai ka caawisay in la siiyo Barnaamijka Pegasus oo sirdoonka Imaaraadka ka caawinayo inay ku dhageysato taleefoonada dadka ay u aragto inay mucaarad ku yihihiin Maamulkooda.

 

 

 

Fadeexadaan cusub ee uu faafiyey wargeyskaan laga leeyahay Israa’iil ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Dowladaha Carabta si toos ah ula safteen Mareykanka iyo Israa’iil.

366 Views




Features

  • Wasiirkii hore Ee Hawlaha Guud Cali Mareexaan Oo Soo Jeediyay In Miiska Uu Ku Shaqeeyo Madaxweyne Biixi Loogu Magac Daro Fannaan Caan Ah.
  • Wasiirka Wasarada Biyaha Saleeban Cali Koore Oo Isku Shandhayn ku Samayeey Agaasime Waaxeedyada Wasaaradaasi.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
More FEATURES