Taariikhda iyo Wax-soo-saarka Dugsiga Farsamada Burco
Gebo Gebo News

June 12th, 2019
Taariikhda iyo Wax-soo-saarka Dugsiga Farsamada Burco

Sanadkii 1999kii baan akhriyey buug ka sheekaynaya dib u kabashadii Germany. Cutub kamid ahi wuxu gaar uga sheekaynayey Dugsiga Farsamada Gacanta ee Burco. Nuxurka buuggu wuxu ahaa Jarmalku 15 sano ayuu kaga soo kabtay burburkii iyo bayhoofkii dagaalkii labaad, kaddibna wuxu wax la’qabtay oo caawiyey ummadihii soo korayay ee ku noolaa Africa iyo Asia.

 

 

Dugsigan oo caan ku ah magaca Iskuulka Jarmalka waxa la’ dhisay sanadkii 1964kii. Kharashka ku baxay wuxu ahaa 400,000 Dollar oo xiligaas joogay una dhigma 4 Malyuun oo Dollar oo maanta jooga. Qorshaha dugsigan waxa lahaa mid kamid ah aabayaashii Xoriyadda waa Axmed-Keyse Xaaji Ducaale oo Reer Ceerigaabo ahaa laakiin Burco laga soo dooran jirey. Wuxu dowladdiii Cabdirashid Cali Sharmarke ka noqday Wasiirka Beeraha, kaddibna wuxu noqday Safiirka Soomaaliya u fadhiya Jarmalka Galbeed, kaddibna Ingiriiska. Jarmalku, caashaq ay caashaqeen Burco iyo dadkeeda ugumay dhisin dugsigan casriga ah ee dedaal iyo dagaal adag oo uu galay Ambassador Axmed-Keyse Xaaji Ducaale ayaa keenay dhismaha Instuutka Farsamada Burco. 

 


Dhismaha Dugsiga waxa la geliyey tacab badan, Jarmalkuna wuxu keenay Aqoontii, Qalabkii iyo Macalimintii oo wada socda. Waa sababtaas sababta dadkii ka aflaxay dugsigani u noqdeen taabba-gal.

 

 

 

Haldoorkii ka aflaxay Burco Technical Institute ka aad bay u badnaayeen, waxaynuse ka xusi karnaa: 

 

 

Sh. Mustafa Xaaji Ismaaciil (Shekha weyn ee Somaliyeed)
Dr Saeed Axmed Xasan (Guddoomiyaha Golis)
Maxamed Kahin Axmed (Wasiirka Gudaha Somaliland)
Sheekh Xasan Cabdisalaam (Hoggaamiye xagga Diinta ah)
General Carab Ducaale Cilmi (5 Star ⭐️ General)
Axmed Xaashi Cabdi (Wasiir, Xildhibaan)
Cabdicasiis Samaale (Wasiirkii Maaliyadda) 
Cabdiraxman Xaaji Daahir (Cammuud University) 
Cabdirashid Xasan Mataan (Musharax M/xigeen)
Eng Maxamed Cali Burco (Ex-Xildhaan)
Xaaji Abshir Axmed Xasan (Wasiirkii Dib u dejinta) 
Cabdiraxman Raage (Agaasimihii Hay’adda Inter-peace)
Maxamed Faarax Laangadhe (Badhasaabkii Sool)
Naasir Xaaji Cali Shire (Xildhibaan)

WQ: Cismaan Abokor Dubbe

33 Views




Features

  • Xukumada Somaliland Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Midnimo Uu Ku Baaqay Madaxweyne Farmaajo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
More FEATURES