“Xukuumadda KULMIYE Waxa Aan Ugu Baaqeynaa Inay Fuliso Heshiiskii Ay La Galeen Dr. Cali Khaliif Galaydh Iyo Maamulka Khaatumo ” Guddoomiye Cirro.
Gebo Gebo News

June 12th, 2019
“Xukuumadda KULMIYE Waxa Aan Ugu Baaqeynaa Inay Fuliso Heshiiskii Ay La Galeen Dr. Cali Khaliif Galaydh Iyo Maamulka Khaatumo ” Guddoomiye Cirro.

Hargeysa(Gebogebonews)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa boggiisa Twitterka ku faafiyay farriin ku socota madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo nuxurkeedu yahay in uu fuliyo heshiiskii dhexmaray Dr Cali Khaliif Galaydh iyo madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo.

 

Farriinta Cirro ayaa u dhigan “Xukuumadda KULMIYE waxa aan ugu baaqeynaa in ay fuliso heshiiskii ay la galeen Dr. Cali khaliif Galaydh iyo maamulka Khaatumo, Waxaana muhim ah in wax walba laga horeysiiyo maanta mideynta dalka iyo dadka.”

 

 

 

Dr Cali Khaliif Galaydh ayaa madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo la galay heshiis nuxurkiisu yahay sidii loo dhammayn lahaa tabashada bulshada gobolka Sool ka qabto Somaliland, waxaana la filayay in madaxweyne Biixi fuliyo arrimahaasi laakiin, marar badan ayuu niyad jab ka muujiyay Cali Khaliif fulin la’aanta heshiiska.

 

 

 

Ma cadda waxa xilligan keenay baaqa Cirro laakiin, waxa jira hadal hayn ku saabsan in xilligan oo madaxweyne Biixi la daala-dhacayo fashilaadda kaga timid Bariga Sanaag oo ay kaga xoog badatay Puntland uu Cali Khaliif ku laaban doono degaankiisa gobolka Sool una sheegi doono in uu quus ka taaggan yahay heshiiskii sidaas awgeedna ay aayahooda ka tashadaan.

 

 

Haddii Cali Khaliif talada ku celiyo gobolkiisa waxa la filan kara saamayn ka weyn tan gobolka Sanaag Bari in ay xukuumadda madaxweyne Biixi ku yeelan doonto guuxa ka aloosma arrintaasi.

 

 

 

Madaxweyne Biixi ayaa loo arkaa in aanu haysan wasiirro iyo masuuliyiin culus oo saamayn ku leh degaannadooda, islamarkaana u noqon kara baalal uu ku duulo si uu degaannada kala duwan ugu yeesho saamayn hoggaamineed.

 

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

177 Views




Features

  • Xukumada Somaliland Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Midnimo Uu Ku Baaqay Madaxweyne Farmaajo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
More FEATURES