Shirwaynaha Habar Jeclo Iyo Garxajis Waa Inuu Noqdaa Shir Milgihiisa Leh !!!!!!. Saxafi Madax Banaan.
Gebo Gebo News

June 14th, 2019
Shirwaynaha Habar Jeclo Iyo Garxajis Waa Inuu Noqdaa Shir Milgihiisa Leh !!!!!!. Saxafi Madax Banaan.

Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood, Hargeisa Somaliland Republic.

Labadda Beelood Ee Garxajis Iyo Habar Jeclo Waa Labadda Beelood Ee Ugu Badan, Uguna Dhulka Balaadhan Dhulwaynaha Somaliland Iyo Itoobiya, Shirar Colaado Dhexmaray Oo Ay Ku Heshiiyeen Mooyaanee, Weligood Taariikhda Inta Lagu Hayo Shirwayne Ay Iclaamiyaan Beelaha Habar Jeclo Iyo Garxajis Waa Kii Ugu Horeeyey Abid Ee Haddii Uu Qabsoomo Taariikhda Baal Dahab Ah Ka Gelaya Insha Allaah, Labadan Beelood Waa Laba Beelood Oo 85% Ay Wadaagaan Diin, Dhalasho, Dhiig, Xidid, Iyo Deegaan, 

 

 

 

 

Waa Nimcooyinka Aanay Inta  Badan Aanay Wadaagin Beelaha Kale Ee Somaliland, Oo Aan Laga Helayn Laba Beelood Oo Boqolaal Sano Dagaalo Dhexmaray Haddana Haddii Cadoow Soo Weeraro Beel Ahaan Meel Looga Soo Wada Jeedanayo, Oo Aanay Noqon Laba Beelood Oo Deegaamada Ku Kala Guuro, Oo Aanay Ka Dhaxaynayn Diin, Dhalasho, Dhiig, Xidid Iyo Deegaan.

 

 

 

 

Shirka Uu Ku Dhawaaqay Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Ee Dhexmari Doona Beelaha Garxajis Iyo Habar Jeclo Insha Allaah Waxaan Aad Iyo Aad Ula Yaabay Saskan Wayn Ee Ay Ka Qabaan Shaqsiyaad Aad U Tiro Yari Inaanu Shirkaasi Munaasib Ahayn, Ama Ay U Jeedaan Garxajis Waa Cadoowgayaga Koowaad, Ama Ay ILaashanayaan Masaaliix Ama Dano U Gaara, Ama Wax Loogu Yeedho Jeegaan!!!!!!.

 

 

 

Shaqsiyaadka Shirka Uga Qayliyay Sida Fiinta Waxaad Moodaa In Uurkii Hooyadood Lagu Gumaysan Jiray Ama Awoowyaashood La Gumaysan Jiray.

 

 

 

Shirka Labadda Beelood Ee Lagu Rajo Wayn Yahay Inuu Qabsoomo Allaah(Swt) Waxaan Ka Baryayaa Inaanu Shirkaasi Noqon Mid La Xagal Daaciyo, Ama Kabo Caaglayaal Lagu Soo Darin, Ama Aanu Noqon Shir Fashilmay Oo Arrinkiisu Ahaa Laab La Kac, Ama Hunguri, Ama Dano Beel Gooni Leedahay Uu Ku Kooban Yahay.

 

 

 

Beelaha Walaalaha Ah Waxaan Kula Talinayaa Inaad Ka Duushaan Oo Aad Dhaqan Gelisaan Qodoban Soo Socda Insha Allaah.

 

 

 

 

1. Deegaamada Labadda Beelood Inaan La Kala Lahayn Dhul Daaqsimeedka Iyo Biyaha.

2. Deegaamada Labaad Beelood In Laga Hir Geliyo Nabad Buuxda Oo Laysu Hoyan Karo, Lays Dhexmari Karo.

3. Labadda Beelood Inay Iska Kaashadaan Wixii Wanaaga, Wixii Colaado Hurinayana Meel Looga Soo Wada Jeesto Insha Allaah.

 

 

 

 

4. Labadda Beelood Inay Samaystaan Min Konton Inan Oo Hubaysan Oo Ehlu Cibaado Ah, Oo Aan Balwad Lahayn Oo Ka Shaqeeya Gacan Ku Dhiiglihii Kibir Wax Ku Dila Sidii Gacan Loogu Soo Dhigi Lahaa Oo Aan Loo Gacan Gelin Xukuumadda, Beesha Qofka Laga Dilayna, Beesha Kale U Soo Gacan Geliso Oo Ay Qisaasaan Kontonka Inan Ee Hubaysan Ee Ka Soo Jeeda Beesha Wax Laga Dilay.

 

 

 

 

5. Labadda Beelood Inay Awood U Leeyihiin Haddii Cadoow Soo Weeraro Inay Dhinac Uga Soo Wada Jeestaan.

6. Labadda Inay Sii Xoojiyaan Walaaltinimadda, Tolnimadda Iyo Wada Jirka Labadda Shacabwayne.

7. Labadda Beelood Inay Iska Kaashadaan Horumarka Deegaamadooda Haddii Ay Noqoto Dhinaca Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashadda, Laydhka, Isgaadhsiinta, Xoolaha, Beeraha, Beenyadda, Kaluumaysiga, Dhaamamka ,Wadooyinka, Shaqo Abuurka Dhalinyaradda, Qandaraasyada, Saamiga Xukuumadda Iyo Hay’adaha Ajaanibka.

8. Labadda Beelood Yagoo Wada Jira Inay Shir Balaadhan Kula Midoobaan Beelaha Dhulbahante, Warsangeli Oo La Dhaqan Geliyo Todobaas Qodob Ee Aan Kor Ku Xusay Ama Aan Ku Sheegay Insha Allaah.

9. Beelaha Kale Ee Galbeedka Somaliland Waa In Yagana Lala Midoobo Oo Ay Dhaqan Galaan Todobadaas Qodob Ee Aan Kor Ku Sheegay Insha Allaah.

10. Beelaha Garxajis, Habar Jeclo Iyo Beelaha Kale Ee Somaliland Inay Xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi Ku Cadaadiyaan Gacan Ku Dhiiglayaasha Xabsiyada Buux Dhaafiyay Sidii Qisaas Loogu Fulin Lahaa, Qofkii Qof Kibir Ku Dilana Ee Xukuumaddu Gacanta Ku Dhigto In La Qisaaso Intaan Marxuumka Ama Marxuumadda La Dilay La Aasin Ama Uu Ka Dambeeyo Ugu Badnaan Todobaad Insha Allaah.

 

 

 

Wabillaahi Towfiiq.

Somaliland Guul Iyo Gobonimo.

ahmedsakatouri@hotmail.com

83 Views




Features

  • Wakiilka Qaramada Midoobay Ee SoomaaliyaIyo Somaliland James Swan Oo Ka Hadlay Arimo La Xidhiidha Somaliland.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
More FEATURES