Xildhibaan Nacnac Ma Maantuu Ogaaday In Xildhibaannada Weerar Lagusoo Qaaday?
Gebo Gebo News

June 14th, 2019
Xildhibaan Nacnac Ma Maantuu Ogaaday In Xildhibaannada Weerar Lagusoo Qaaday?

Wuxuu yidhi “dadku wada Dhakool maaha”! sawaaxiliga waxaan ka maqli jirey “micne gaanni” oo ah maxaad ka waddaa?

Sideedaba dulmigu midab ma leh, gobol ma leh, sokeeye ma leh waa dulmi. Shalay wadaadkani wuxuu ku shimbiro waaqlaynayey Dhakool inuu qaran dumis yahay, in uu denbiile yahay, in xabsiga lagu sii giijiyo iwm.

Odaygu wuxuu is lahaa adigu reer Sheekh Isaxaaq baad tahayoo waxaad doontaa laguu ogol yahay! Wuxuu aamminsanaa maaddaama Dhakool yahay “beelaha darafyada” (sida Hargeysa imminka looga yaqaan dadka reer waqooyi qaar). Waxase caddaatay

1) Haddii dulmi la bannaysato oo la taageero inaanu xuduud lahayn dulmigu, kii u ololaynayeyna inuu sugayo.

2) Inaan kelmeddan darafyadu iyada lafteedu xuduud lahayn, oo Balligubadle, Sallaxley iyo Oodweyne markii loo baahdo ay darafyada noqonayaan. Reer Xamarku waxay yidhaahdaan “ka xaaxaabi hee” iyo “macay kugu tahay”.

Waxaanse isweydiiyey weligay Nacnac ka hor taariikhna kuma maqal mana arag qof dhankaa Balligubadle ka soo jeeda oo dadka reer Sool xasaradaynaya, iyo qof reer Sool ah oo reer Balligubadle inay madaxa ka dhunkadaan mooyee wax xun u quudhaya. Odaygani bal hanalaga hubiyo awoowayaal. 

 

 

 

201 Views




Features

  • Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Khilaafka Saciid Deni Iyo Axmed Karaash Ee Puntland, Dadaallo Lagu Xalinayo Khilaafkooda Oo Socda.
  • Xukumada Somaliland Oo Shaacisay Kiisas Cusub Oo Ah Cudurka Dilaaga Ah Ee Covid-19.
  • Danab Ku Laayey Dad Degan Ka Tirsan Degmada Qoryaale Ee Gobolka Togdheer + Moganaanta Xukumada Somaliland. 
  • ” Waa ka adag yahay imtixaanku sanadkii hore ” Gudoomiyaha Xafiiska Imixaanadka Qaranka Oo Araday Fariin Udiray.
  • Tirada Dadka U Dhintay Iyo Kuwa U Soo Ritay Covid_19 Oo Somaliland Kor U Kacday.
  • Daawo: “Gobollada Bari Way Dayac Yihiin Dhaqaalihiina Galbeedka ” Boqor Buurmadow.
  • Daawo:Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Taliye Ku Xigeenki Cidaanka Asluubta Somaliland Marxuum General C/raxmaan Fooxle.
  • Wasiir Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo U Geeriyooday Cudurka Halista Ah Ee COVID-19.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
More FEATURES