Maxaad ka Ogtahay Awoodaha Qarsoon Ee Guud ahaan Curyaamiyey Shaqooyinka Wasaaraddaha Dalka.
Gebo Gebo News

June 23rd, 2019
Maxaad ka Ogtahay Awoodaha Qarsoon Ee Guud ahaan Curyaamiyey Shaqooyinka Wasaaraddaha Dalka.

Madaxwayne milil guudkii lama dhayo wasaaradaha dalku waxay u baahan yihiin in
hoos lagu dadaadego . Wasiir la bedelaa iyo Agaasime Guud Waxa ka Fiican In la
bedelo Agaasimo waxeedada iyo Xisaabiye-yaasha Kor iyo Hoosba u Raacay Musuq

 

maasuqa ee u Heshiisheyey Dalka.

 

Waxa Musharkayaga Ka baayac Mushtareeya Agaasime Waaxdeeda Maamulka Iyo
Lagacta iyo Xisaabiye yaasha wasaaradaha ,gunooyinkayagana Cuna . iyagaa ku
muraadsada muddo laga bakhtiyeyna oo muddo dhaaftay soo diraa

 

Sida aynu ka war qabno waxaa qofkastaa dareeni karaa habacsananta shaqo cago
jiidka , iyo niyad jabka ka jira Xarumaha wasaaradaha dalka waxaa sabab u ah
agaasimo waaxeedada wasaararada joogo ee aan waligood la bedelin ku was oo
ragaadiyey shaqooyinkii dalka gaar ahaana golobada.

 

Iyadaa oo ay guud ahaanba shaqooyinka qaranka caqabad ku yihiin agaasime
waaxeedyadu hadana waxay dhibta ugu wayn ku hayaan gobolada . kama
shaqeeyaan isuduweyashu sababtoo waxa doora kuma laha hawlaha gobokooda ka
socda waan loo gacan dhaafa shaqooyinka loo igmaday waxanay ka mar qaatan
agaasime waxaadeedyo ay siman yihiin . oo waxaanay fahansanaynba qaabka wada
shaqaynta saraakiisha dawlada .

 

 

 

Waxaad arkaysaa agaasime waxaadeed golobka maamulaya hawlaha ka socada oo
aan xitaa jaanis siinay shaqalaha gobolada jooga iyo isuduweyaasha jooga oo
shaqadooduun ilaashanayaa waxay keentay in ay fadhiid noqoto oo aanay shaqo ka
socon xarumaha dawlada ee gobolada dalka .

 

 

sidoo kale waxa jira musuq maasuq ay agaasime waxaadeedu ku hayaan shaalaha
gobolada oo ku saabsan maaliyada Tababarada , iyo Horumariunta shaqaalaha, ‘’
Training And Development ,Scholar ships ‘’ –ka, Deeqaha Waxbarsho , ‘’promotionka
Dalacsiinta iyo ‘’ Encouragement Dhiirigalinta iyo ‘’ Reward-ka Abaalmarinta
shaqaalaha .

 

 

Inta badan waxa laga cunaa lacago ay madaxda sare ama haya’daha la shaqeeya ee
wasaaraduhu ku guneeyaan shaqaalaha , waxaan jiratay taariikhda in markii ugu
Horaysay madaxwayne Mudane : Muuse Biixi
uu wareegto ku soo saaray in la bixiyo ( Xaqal Ciidka sanadkan )

 

 

iyadoo wareegto lagu soo saaray shaqaalaa Qaar Baan Helin wali Qaarna waxay
heleen ku dhawaad bil kadib ciida .taasina waxay ku tusaysaa in wali ay sii wadaan
agaasime waaxdeedyadu musuqmaasuqii ay shaqaalaha ku hayeen, aynu arki jirnay
ama haddaba jirta waxa la musuqmaasuqaa waxkasta oo aynu xaq u leenahay in aynu
helo.

 

 

Sidaas darteed waxa la cunaa Sida Caqal ciidka fasaxyada hawlaha dheeriga ah ee
shaqaaluhu ka faaiidaystaan ismarkaana Xaq u leeyahay Qofkasta oo shaqaale ahi
mana soo gaadhaan shaqaalaha gobolada . waana laga saara oo waa la isticmalaa
waxay ka baxaan miisayadaha wasaaradaahaas sida Khanada kharashaadka loo
qoondeeyey . waxaana leexsada agaasime waaxeedada Gaar ahaan ku kuwa
maamulka iyo maaliyada iyo Xisaabiye-yaasha xarumaha .

 

 

taasina waxay na tusaysaa Cadaalad Darada Lagu Hayo Shaqaalaha Gobolada .

 

waxa kale oo kamid ah Inay musharka shaqaalaas laga haysto muddo aad u dheer oo
gaadhaysa seddex bilood oo xidhiid ah Halka xarumaha laga qaato Bil walba
horaanteeda si joogto ah iyadoo aan wax cudur daar ahi jirin madaxdana waxa loo
sheegaa in shaqaalahu guud ahaan ay bil walba qaataan mushaharka. Waxaad kale
oo aad loo musuqmaasuqaa deeqaha waxbarasho ee dalka mana jiro wasaarad kaliya
oo shaqaaleheeda gobolda usoo bandhigtaa fursadaha Horumarineed ee la hayo .
xitaa hada waxay maraysa in workshop-ka seminars-ka iyo survey –ada wadanka
laga qabto in Hargaysa laga qaato dadka kuwaas oo matalaya gobolada oo aanu ku
jirin qof gobol am a degmo Hargaysa ka baxsan oo looga yeedhay muddo hadda labo
sano ah arrintaasi waxa ay ka socotaa xarumaha Hargaysa. Waana qayb ka mid ah
musuqmaasuqa agaasime waaxeedada . kuwaas oo bartay hagardaamada iyo Cunista
shaqaalaa gobolada oo aan wax badan ka ogayn sida wax u socdaan . Mana jirto wax
maamul Daadejin ah oo Sameeyey ilaa hadda.

 

 

 

Waxa jira shaqaale ka socda xarunta oo ka shaqaynaya gobolada iyagoo kuwii
gobolada shaqo la,aan yihiin oo ay iska fadhiyaan . maxay u furan yihiin xafiisayadu
hadii aan shaqaalaha jooga waxba loo diranayn oo Hargaysaa shaqaale shaqada ka
soo raacaya aan mar hayn oo laba ahayn balse joogto ah.

 

 

. Miyaanay dulmi Iyo niyad jab wayn ku ahayn shaqaalaha gobolada. m

shaqaalaha xarunta joogaa waxay helaan fursado badan oo aqoon kororsi ah dal iyo
debedaba leh waxa laga yaaba inuu mid wali ubaxay dal kale si uu aqoon ugu soo faa
iidaysto laakiin shaqaalaha gobolada bari fursadahaas waa looga dhaartay iyaga oo
ah kuwa xaqa u leh. Taasina waa mid dhawacaysa maskaxda qof kasta oo damiir leh
su aasha aad iswaydiinaysaa waxa weeye dalka ma cid gaara ayaa khayraad keeda iyo
wanaagiisba iska leh oo looma sina

 

 

 

 

waxaan ku soo ururinayaa mudane madaxwayne waxaad balanqaaday oo yididiilo
horleh nagalisay markii aad balan qaaday inaad la dagaalamayso musuqmaasuqa
,iyagoo sheegay inaad bedalayso dhamaan agaasime-yaasha waaxaha maamulka iyo
lagacta iyo Xisaabiye yaasha wasaaradaha iyo laamaha Dawlada, kuwaas ah ku lugleh
musuqmaasuq iyo wax isdaba marin ay caadaysteen .

 

 

 

sidaa mid la mid ah agaasime waaxeedadu waxa ay xilka hayaan mudo aad u dheer
oo qaarkood waxay joogaan intii ay somaliland jirtay.

 

 

Agaasime waaxeedada way ku yaryihiin dad ka yimi gobolada bari sidaas darted waxa
yaraanaya in laga fekero Horumarinta Gobolada Iyo Degmooyinka
Waxa jooga agaasime waaxdeedo isku hayb iyo qaraabo Dhaw oo badan koodu ka
soo jeeda gobolada galbeelka , wasaarad kasta iyo laamaha Dawlada taasina waxay
ka qay qaatay dib udhaca gobolada bariga

 

 

waxaanu soo jeedinaynaa in arrimaaha wax laga qabto oo dad cusubna loo
magacaabo agaasime waaxdeeda wasaaradaha , kuwaas oo wax wayn ka tari kara
daradargalinta hawlaha raagaday iyo Musuqmaasuqa wali ku jira habsami u socodka
shaqo , dhiirigalin iyo sinaana u ah dhamaad shaqaalaha dawlada . mana garanayno
waxa shaqaalaha gobolada loo dalacsiin waayey iyagana looga dhigi waayey
agaasime waaxeedo ama waxa ka sareeya iyadoo aynu ognayahay in qofkastaa xaq u
leeeyahay inuu ka dalaco meesha uu joogo marka uu xilkii loo igmaday u guto si
Hufnan ah oo Cadaalada.

 

 

 

 

Cabdirisaaq Xuseen Samatar(Indheergarad)

83 Views




Features

  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
More FEATURES