Madaxweynaha Somaliland Oo laalay Xaaladdii Deg dega ahayd Ee uu Hore Ugu Soo Rogay Degmooyinka Gobalka Sanaag.
Gebo Gebo News

June 25th, 2019
Madaxweynaha Somaliland Oo laalay Xaaladdii Deg dega ahayd Ee uu Hore Ugu Soo Rogay Degmooyinka Gobalka Sanaag.

Hargaysa (Gebogebonews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/G/WAG/WG/ CQS/081/4/224/ 234/037-332/062019, uu ku laalay xaaladii deg-dega ahayd ee hore loogu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo.

 

 

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

Ujeedo: Laalis Xaalad Deg-deg ah

Ku: Shir-guddoonka Golaha Guurtida Hargeysa
Ku: Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hargeysa 
Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga Hargeysa 
Ku: Taliyayaasha Ciidammada Qaranka Hargeysa

 

 

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 92aad;

Markaan Arkay: In lagu guulaystay dejinta iyo gacan ku qabashada xaaladdii nabad-gelyo darro ee ka dhacday Degmadda Ceel Afweyn;

Markaan Arkay: In Ciidammada Qaranku ay gacanta ku soo dhigeen ciddii gaysatay iyo dhammaan dadkii ku lugta lahaa falalkii foosha xumaa ee lagu dilay saraakiishii Ciidammada Qaranka iyo dilalkii kale ee ka dhacay degmadaasi;

 

 

Markaan La-tashaday Taliyayaasha Ciidammada Qaranka iyo Hay’adaha Ammaanka ee ay khusayso;

Waxaan Go’aamiyey;

1) In aan laalay Xaaladdii Deg-degga ahayd ee lagu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo ee muddadeedu saddexda bilood ahayd.

2) In dhammaan dadkii gaystay fal-dambiyeedyadaasi foosha xun iyo cid kasta oo gacan ku siisay oo u xidhan arrimahaasi sida ugu dhakhsaha badan loo hor-geeyo sharciga.

 

ALLAA MAHAD LEH 
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.

 

216 Views




Features

  • Isku-Shaandheyn Lagu Sameeyay Xubno Ka Mida Agaasimeyaasha Wasaaradaha Xukuumadda Somaliland.
  • Daawo; Musuqa Dul hoganaaaya Wasarada Maaliyada Oo La Soo Bandhigay Iyo Fashilka Xukumada Madaxwayne Muuse Biixi
  • Buuhoodle Oo Lagaga Dhawaaqay Jabhad Cusub Oo Lagu Magacaabo SSC + Cabsiwayn Oo Soo WAjahday Deganadaas
  • Warbahinta  Oo Xogo Dheeraad Ah Ka helay Weftiga Beesha Caalamka Ee Somaliland  Ku Soo Waajahnaa
  • Erdogan Oo Sheegay  Inuu Xidhayo Saldhigga Mareykanka ee Turkey
  • Daawo:Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Gaadhi ku Wareejiyay Masuuliyiinta Degmada Salaxlay.
  •  Daawo:Gudida Qandaraasyada Qaranka Oo Shaaciyey Shirkadaha Ku Guulaystay Mashaaric Isugu Jira Dhismayaal Iyo Gaadiid.
  • ” Madaxweyne Yaanu Gacantaada Ku Burburin Xisbiga Kulmiye, Gudoomiye-nimada Wareeji ” Siyaasi Cawil Quule.
  • Maxkamadda Sare Ee Kenya Oo Diiday In La Xidho Xerada Qaxootiga Ee Dhadhaab.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
More FEATURES