Xukumada Somaliland Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Midnimo Uu Ku Baaqay Madaxweyne Farmaajo.
Gebo Gebo News

June 27th, 2019
Xukumada Somaliland Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Midnimo Uu Ku Baaqay Madaxweyne Farmaajo.

Hargaysa (Gebogebonews)-Xukuumada somaliland ayaa jawaab kulul ka bixisay hadal ka soo yeedhay madaxweyne Farmaajo oo la xidhiidhay midnimo uu markale ku baaqay.

 

Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada somaliland oo soo gaadhay Hadhwanaagnews ayaa lagaga jawaabay dhawaaqa madaxweyne farmaajo, kaas oo u dhignaa sidan.

 

Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ladh iyo dacar ku kiciyey hadalka Madaxweynaha Maamulka Muqdisho ee ah,”Wax walba waxa loo hurayaa sidii loo soo celin lahaa Somaliland”.

 

 

 

Waxa gef ah in Maamulka Muqdisho iyagoo og dhibtii ay u gaysteen shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, in ay waliba ku tiraabaan, waxaanu u dabaal-dagayaa Xornimadii Somaliland ee 26 June 1960-kii. Ma waxay u dabaal-degayaan diyaaradihii iyo madaafiicdii ay la dhaceen shacabka Soamaliland? Marka aadse u dabaal-degaysaan 26 June oo aydaan halgankeedii waxba ku lahayn wax-yeelo mooyee, ma waxaad ujeedaan in aad muujisaan in Somaliland wali tahay qayb ka mid ah Soomaaliya? Waa aragti dhalanteed ah. Waxaannu u aragnaa colaad la sii hurinayo, kala fogaansho iyo dib u soo celinta damaqa xusuusta dhibaatadii gaadhay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

 

Xafladdaynta Muqdisho iyo hadallada naxliga leh ee maamulka Muqdisho waxa ay la micno yihiin wixii dhibaato aan kuu gaystay ka garaabi maayo, waliba waxaan duudsiyayaa go’aanka Shacabka Somaliland ku gaadheen in ay dib ula noqdaan xoriyaddii kaga luntay walaalnimo jacaylka iyo midnimadii dayaxeedu dhacay.

 

 

 

Marar badan masuuliyiinta Soomaaliya waxay soo xigtaan Gabaygii Kanna Siib, Kana Saar ee Alla ha u naxariistee Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde). Balse waxa aanay dhaadanayn in Cabdillaahi Suldaan Timacadde ku saxay gabayga yidhaahda.

 

 

 

“Dudadaanu ahayne,

Dawlad soo gadhay ma ihine,

danteenaa laba diidaye,

Dabuub aannu maqlaynay,

dareen baannu ka qabnaayoo,

dugsigii Baarlamaankiyo,

Dekeddii Xamar baa leh,

Berbera daadku ha qaado,

dooniyi yaanay ku leexan”.

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

271 Views




Features

  • Isku-Shaandheyn Lagu Sameeyay Xubno Ka Mida Agaasimeyaasha Wasaaradaha Xukuumadda Somaliland.
  • Daawo; Musuqa Dul hoganaaaya Wasarada Maaliyada Oo La Soo Bandhigay Iyo Fashilka Xukumada Madaxwayne Muuse Biixi
  • Buuhoodle Oo Lagaga Dhawaaqay Jabhad Cusub Oo Lagu Magacaabo SSC + Cabsiwayn Oo Soo WAjahday Deganadaas
  • Warbahinta  Oo Xogo Dheeraad Ah Ka helay Weftiga Beesha Caalamka Ee Somaliland  Ku Soo Waajahnaa
  • Erdogan Oo Sheegay  Inuu Xidhayo Saldhigga Mareykanka ee Turkey
  • Daawo:Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Gaadhi ku Wareejiyay Masuuliyiinta Degmada Salaxlay.
  •  Daawo:Gudida Qandaraasyada Qaranka Oo Shaaciyey Shirkadaha Ku Guulaystay Mashaaric Isugu Jira Dhismayaal Iyo Gaadiid.
  • ” Madaxweyne Yaanu Gacantaada Ku Burburin Xisbiga Kulmiye, Gudoomiye-nimada Wareeji ” Siyaasi Cawil Quule.
  • Maxkamadda Sare Ee Kenya Oo Diiday In La Xidho Xerada Qaxootiga Ee Dhadhaab.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
More FEATURES