Golaha Wakiiladda Puntland Oo Fadhi Ay Yeesheen Kasoo Saaray Go’aan Culus Oo Ka Dhan Ah Somaliland.
Gebo Gebo News

July 9th, 2019
Golaha Wakiiladda Puntland Oo Fadhi Ay Yeesheen Kasoo Saaray Go’aan Culus Oo Ka Dhan Ah Somaliland.

Golaha Wakiiladda Puntland Oo Fadhi Ay Yeesheen Kasoo Saaray Go’aan Culus Oo Ka Dhan Ah Somaliland.

Golaha Wakiilada Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa kulan ay ku yeeshen caasimada Puntland ee Garoowe Shalay waxay meel-mariyeen go’aan ka dhan ah Dawladda Somaliland.

Golaha ayaa gebi ahaanba mamnuucay in deeganada maamulka Puntland la keeno Kontenarada badeecadaha ku jira ee laga soo dejiya dekedda Magaalada Berbera ee Somaliland.

Xildhibaanada Golaha ayaa Konteenaradaasi ku sheegay inay curyaamin ku yihiin wax soo saarka dekeda Boosaaso oo iyadu laf dhabar u ah ganacsiga Puntland.

Go’aankan ay xildhibaanadu ku meel-meriyeen inay mamnuuceen konteenaradaasi ayaa waxa uu daba socda talaabooyin hore oo maamulka Puntland ku soo rogay badeecadaha uga imaada dhanka Somaliland.

Wasaarada Maaliyada Puntland ayaa iyaduna hore u shaacisey inay canshuuraad dheeriya ku soo rogtay badeecadaha ka soo gala dhinaca Somaliland.

Puntland iyo Somaliland ayaa muddo badan waxa ka dhaxeeyay muran xuduudeed dagaalo badan oo dhiig ku daatay sababay, balse talaabooyinkan ayaa muujineya dagaal cusub oo dhanka ganacsigana uu ka dhex qarxay labadan Maamul.

317 Views




Features

  • Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabay Afhayeenkii Iyo Xoghayihii Guud Ee Xisbiga WADDANI.
  • Ciidammo La Wareegay Xarunta Guud Ee Xisbiga WADDANI + Afayeenka Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay.
  • “Baad ku Bixin Mayno Nabad galyada Awdal,Dhimasho Iyo Dhiig Ayaa Laga War-Wareegayaa ” Saylici Oo Hadal Kulul Ka Jeediyey Boorama.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
More FEATURES