Magaalada Labaad Ee Ugu Dadka Badan Ingiriiska oo Aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland
Gebo Gebo News

July 9th, 2019
Magaalada Labaad Ee Ugu Dadka Badan Ingiriiska oo Aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland

Magaalada Labaad ee Ugu Dadka Badan Ingiriiska oo Aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland jamhuuriyadda Somaliland ayaa gaadhay guul kale oo diblomaasiyadeed, kadib markii Golaha Deegaanka Birmingham oo ahmagaalada labaad ee ugu dadka badan Ingiriisku ay ku shaaciyeen maantainay Jamhuuriyadda Somaliland u aqoonsadeen dal madax-bannaan.

 

Sidaasna waxa lagu sheegay War-murtiyeedka soo baxay Xafiiska Somaliland ee UK oo ay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA soo turjuntay, kaasi oo u qornaa sidan:-

 

“Golaha Deegaanka ee Magaalada Birmingham ayaa munaasibad ay maantaqabteen waxay ku dhawaaqeen inay Jamhuuriyadda Somaliland u aqoonsadeen dalmadax-bannaan.

 

Magaalada Birmingham oo ah ta labaad ee ugu dadka badan UK, isla markaana ka mid ah dawladaha Hoose ee ugu waaweyn Yurub oo ay degan yihiin dad badan oo reer Somaliland ah ayaa shannaysayafartii degmo ee hore u aqoonsaday Somaliland oo kala ahaa Cardiff, Sheffield, Bristol iyo Tower Hamlet.

 

Dhammaan xildhibaannada ka soo kala jeeda xisbiyadda UK ee ku jira Golaha Degaanka ee Birmingham ayaa isku waafaqay go’aanka ay ku shaaciyeen aqoonsiga ay ugu dhawaaqeen Somaliland, waxaanu go’aankoodu ka turjumayaa iskaashiga iyo cilaaqaadka soo jireenka ah ee ka dhexeeyey Somaliland iyo Ingiriiska.

 

Wakiilka Jamhuuriyadda Somalilandu qaabilsan UK, Ayaan Maxamuud Cashuur oo ka qaybgashay munaasibadaas oo ku hadlaysay magaca Xukuumadda Somalilandsi weyn uga mahadcelisayGolaha deegaanka ee Birmingham waxaanay tallaabada ay qaadeen ku sifaysay mid taariikhiga ah ee waxtar leh.

 

Waxa kaloo Danjire Ayaan Cashuur ay sheegtay in qaraarka aqoonsiga ee Golaha Deegaanka Birmingham uu dhiirigelinayo Horumarka, Nabadda, Dimuqraadiyadda iyo Dawladnimada ka tisqaaday Jamhuuriyadda Somaliland.”

175 Views




Features

  • Daawo:Taliyaha Ciidamada Boliska Somaliland Oo Sheegay Inay Ilaalada Gudoomiye Cirro Toogteen Askari Boolis  Ah.
  • Daawo:Masuuliyinta Xisbiga Wadani Ee Togdheer Oo Taageero Umuujiyey Banaan-baxa Gudoomiyaha Xisbiga Wadaani Ugu Baaqay Taageerasha Xisbigaasi Ee Gobolda Dalka.
  • Daawo:“ Kaligii Talisku Ha Dhaco, Digtaytar Yeeli Mayno, Xorriyad Ayay U Dagaalamaynaa Oo Aynu U Dhimanaynaa ” Gudoomiye Cirro.
  • Daawo:Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Xadhiga Madaxda Xisbiga WADDANI Iyo Nuxurka Uu Xalay La Yeeshay Madaxweyne Biixi.
  • Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabay Afhayeenkii Iyo Xoghayihii Guud Ee Xisbiga WADDANI.
  • Ciidammo La Wareegay Xarunta Guud Ee Xisbiga WADDANI + Afayeenka Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay.
  • “Baad ku Bixin Mayno Nabad galyada Awdal,Dhimasho Iyo Dhiig Ayaa Laga War-Wareegayaa ” Saylici Oo Hadal Kulul Ka Jeediyey Boorama.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
More FEATURES