Shacabka Somaliland Oo U Dhegtaagaya Hadalka Wasiirka Arimaha Guduhu ka Yidhaa Dagaalka Ceel-Afweyn
Gebo Gebo News

July 9th, 2019
Shacabka Somaliland Oo U Dhegtaagaya Hadalka Wasiirka Arimaha Guduhu ka Yidhaa Dagaalka Ceel-Afweyn

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa lagu Waddaa in uu Maalmaha Soo Socda ee Toddobaadkan ka hadli Doono Xiisada Dagaalka Soo Noqnoqdey ee Ceel-Afweyn Kadib Markii uu Wasiirku ka gaabsadey, dagaalka soo cusboonaaday, ee labada Beelood mar kale ka dhex qarxey kaas oo Sababey khasaaraha Dhimasho iyo Dhaawac Dadkaasi soo kala gaadhey.

 

 

 

Kumanaan kun oo Kamid ah Shacbiga Somaliland ayaa u dhegtaagaya qaabka uu uga hadli doono Wasiirka Srimaha Gudaha Somaliland Xiisadan Colaadeed maadaama aanu ka hadal 24kii Saacadood ee laga soo Gudbey islamarkaana, ay tahey Gudashada Waajibaadkiisa shaqo ee Xilka uu hadda u hayo qaranka iyadoo Bilihii lasoo dhaafeyna, uu Wasiirku marar badan Warbaahinta horyimid isagoo ka hadlaya Arimo ku Sahabsan khilaafka Doorashada ee u Dhexeeya labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani, oo Qeybo badan oo Shacabka kamid ahi u Sibir-saarayeen in uu Xudunta khilaafka Doorashada ee Xisbiyadda qeyb ka yahey, isagoo matelaya Xisbi Xaakimka Kulmiye.

 

 

Sikastaba ha arintu ha noqotee, Tan iyo Intii lasoo dhisey Xukuumada uu hogaaninayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Waxa xaqiiq ah in Su,aal badani ka taagneyd Xilka uu Wasiirku u hayo Xukuumada uu katirsan Yahey iyo Qarankaba iyo Dhacdooyinka Foosha Xun ee Ku Xudhiidhsan in Xaalada amaanku Faraha kaga baxdey, sida Dagaalka Ceel-Afweyn oo Mudadii Xukuumadan Si Fashilaad ah usoo Noq-noqdey, iyo Dilal Badan oo qaarkood ka dhaceen isla Deegaanadaasi islamarkaana Qaranka Somaliland Fashilaad iyo Ceeb ku ahaa Taas, oo sida la Xaqoojinayo aan ilaa iyo hadda lasoo qabanin Gacan-kudhiiglayaashii Diley Laba Sarkaal oo Ciidamadda katirsan haseyeeshee, Xukuumadu Si aan Caddeyn u Sheegtey in lasoo qabqabtey Waxa Dad badani aaminsan Yihiin in Wasiir Maxamed Kaahin Axmed ku Fashilmey Gudashada Xilka Wasaarada Arimaha Gudaha ee amaanka Qaranka gacanta ku hayso laakiin uu Dillo ka haysto Kalsooni Fara badan oo ku haysto Madaxweyne Biixi, Waana ra keentay in Su,aalo badan la iska Weydiiyo In Wasiirku Yahey Wasiirka Wasiiradda, iyo Wasiir Ka Weyne Madaxweynaha Garab jooga iyo Wasiir dhinac Kaliya Nabadoon u ah iyo Su,aalo kale oo Fara badan.

 

 

 

Gabagabadii Waxaan hadal ka joogin in Bulshada inteeda ugu badani u Dhegtaagayso Waxa uu ka Yidhaa Dhacdadii u Dambaysay ee Dagaalka labada Beelood ee ku Dagaalamaya Ceel-Afweyn.

358 Views




Features

  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
More FEATURES