Magaca Iyo Wakiilada Shirkadii Maalgashiga Somaliland Ee Ka Diwaan Gashanayd Imaaraadka Oo Wax Ka Bedel Lagu Sameeyey.
Gebo Gebo News

July 10th, 2019
Magaca Iyo Wakiilada Shirkadii Maalgashiga Somaliland Ee Ka Diwaan Gashanayd Imaaraadka Oo Wax Ka Bedel Lagu Sameeyey.

Hargeysa(Gebogebonews)-Shirkadii maalgashiga somaliland ee ka diwaan gashanayd wadanka Imaaraadka ayaa wax ka badal lagu sameeyey cida masuulka ka ah iyo magacii ay lahayd.

 

 

 

 

 

Sida lagu baahiyey boga xarunta caalamiga ah ee maaliyada Dubai, wax ka badal ayaa lagu sameeyey magaca iyo cida masuulka ah shirkadii la sheegay inay somaliland u raadinayso maalgashiyada caalamiga ah ee ka diwaan gashanayd magaalada Dubai ee wadanka imaaraadka carabta.

 

 

 

Sida ku cad bogan, magaca shirkada oo hore u ahaa “Somaliland Investment Company” ayaa haatan loo badalay “DP World Berbera Investment Limited” iyada oo xukuumaduna aanay cadayn sababta loo badalay magacii hore isla markaana haatan loogu soo daray shirkada DP World ee laga kireeyey dekedii magaalada Berbera.

 

 

 

 

 

 

 

Sidoo kale wakiilada shirkada ayaa iyagana wax ka badal lagu sameeyey, waxaana laga saaray safiirkii hore ee somaliland u fadhiyey wadanka Imaaraadka Baashe Cawil halka lagu soo daray safiirka cusub ee uu dhawaan madaxweyne Muuse u magacaabay dalka Imaaraadka Muniir Abusite.

Wakiilada shirkadan ee haatan diwaan gashan ayaa ah wasiirka maaliyada Sacad Cali Shire oo hore-na ugu qornaa iyo safiirka somaliland ee wadanka Imaaraadka Muniir Abusite.

 

 

 

 

92 Views




Features

  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
More FEATURES