Dagaal Beeleedkii ka Dhacay Ceel-Afweyn Oo U muuqda Mid ku fidiya Gobolo Kale Iyo Moganaanka Xukumada Madaxweyne Biixi.
Gebo Gebo News

July 11th, 2019
Dagaal Beeleedkii ka Dhacay Ceel-Afweyn Oo U muuqda Mid ku fidiya Gobolo Kale Iyo Moganaanka Xukumada Madaxweyne Biixi.

Hargeysa(Gebogebonews)-Dagaal beeleedkii ka dhacay degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa haatan u muuqda inuu ku fidiyo degmooyin kale iyo gobolo ka baxsan Sanaag.

 

Dagaalka oo markii hore ku koobnaa labada beelood ee wada dega degmada Ceel Afweyn ayaa haatan u muuqda mid jawi kale yeelanaya isla markaana ku faafaya deegaano kale oo ka tirsan gobolka Sanaag, halka xaraaradiisa laga dareemayo magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer

 

 

Marka la eego dhacdooyinkii ugu dambeeyey oo ay ka mid yihiin dagaalka labada beelood, dagaalka tooska ah ee dhexmaray ciidamada qaranka iyo kuwa jabhada kornayl Caare, iska hor imaadka ciidamada amaanka iyo shacabka ceerigaabo iyo mudaharaadada Burco waxay muujinayaan in si weyn loo tabayo doorkii ay xukuumadu ku lahayd ilaalinta amaanka iyo kala dambaynta.

 

 

 

Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirkiisa arimaha gudaha Maxamed Kaahin o masuuliyadaha saaran ay ugu weyn tahay ilaalinta amaanka guud ahaan dalka, waxa muuqata inaanay muhiimad gaar ah siin gacan ku haynta amaanka degmada Ceel Afweyn iyo ka hortaga wax kasta oo dhaawaci kara nabada, waxaana la dareemayaa in mudadii ay soo cusboonaadeen isku dhacyada beelaha Ceel Afweyn ay xukuumadu ka gaabisay doorkeedii ilaa haatana ay qaaday oo kaliya in ciidamada qaranka oo laga soo raray Ceerigaabo la soo dajiyey degmada Ceel Afweyn si ay beelaha u kala badbaadiyaan balse aanay hore u jirin qorshe u dajisan oo ka hortag ah.

 

 

 

Wasiir Maxamed Kaahin ayaa laga dareemayaa isdhawrid xadkeedii dhaaftay, iyada oo aanay jirin wax talaabo ah oo muuqata taas oo uu ka qaaday labada beelood ee dagaalku dhexmaray isla markaana xoojinaysa gacan ku haynta amaanka guud ee deegaankaasi, taas oo keentay in dhaliilo waa weyn dusha loo saaro isla markaana loogu baaqo iscasilaad.

 

 

Dhinaca kale Madaxweyne Muuse Biixi ayaa lagu dhaliilayaa in saaxiibtinimada gaarka ah ee ka dhaxaysa wasiirkiisa arimaha guduhu ay kala waynaatay dantii guud ee dalka gaar ahaan arimaha amaanka, iyada oo bulshada dareenkeedu la xidhiidho in maadaama wasiir Maxamed Kaahin is dhawrayo loo baahan yahay in laga badalo wasaarada arimaha gudaha isla markaana loo dhiibo masuul aan ka soo jeedin labada beelood ee ku dagaalamaya Ceel Afweyn si ay u suura gasho in talaabo laga qaado cidii jabisay heshiisyadii hore loo galay isla markaana wada falalka amniga ka soo horjeeda.

 

 

 

 

Madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisa ayaa sidoo kale lagu dhaliilayaa in sida ay u fududaysadeen tabashadii ay muujiyeen Kornayl Caare iyo ciidamadii uu la goostay si la mid ah ay wax fudud uga soo qaadeen colaada beelaha wada dega Ceel Afweyn, taas oo keentay in jabhadii uu samaystay kornaylkaas ka cadhooday ciidamada qaranku ay qayb ka noqdaan xaaladaha amni daro ee ka soo cusboonaaday gobolka Sanaag isla markaana ay sii socdaan isku dhacyada beelaha wada dega Ceel Afweyn.

 

 

 

 

Ugu dambayn marka la eego xaalada haatan ka taagan degmooyinka Ceel Afweyn, Ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka Sanaag waxa muhiim ah in wasiir Maxamed Kaahin uu shaqadiisa u guto sida dastuurka iyo sharciyada dalku farayso ama in madaxweyne Muuse Biixi uu meesha ka saaro saaxiibtinimada uu xeerinayo ee ka dhaxaysa wasiir Kaahin isla markaana wasaarada arimaha gudaha u dhiibo masuul aan u habran beelahan colaadu u dhaxayso balse awood dawladeed u adeegsada in tubta nabada iyo wada noolaanshaha lagu soo celiyo, wixii aan intaas ahayna ay suuragal tahay in isku dhacyada beelaha iyo falalka amni darada ahi ay sii socdaan kuwaas oo caqabad ku noqda xukuumada madaxweyne Muuse Biixi.

 

 

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

441 Views




Features

  • Daawo:“ Kaligii Talisku Ha Dhaco, Digtaytar Yeeli Mayno, Xorriyad Ayay U Dagaalamaynaa Oo Aynu U Dhimanaynaa ” Gudoomiye Cirro.
  • Daawo:Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Xadhiga Madaxda Xisbiga WADDANI Iyo Nuxurka Uu Xalay La Yeeshay Madaxweyne Biixi.
  • Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabay Afhayeenkii Iyo Xoghayihii Guud Ee Xisbiga WADDANI.
  • Ciidammo La Wareegay Xarunta Guud Ee Xisbiga WADDANI + Afayeenka Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay.
  • “Baad ku Bixin Mayno Nabad galyada Awdal,Dhimasho Iyo Dhiig Ayaa Laga War-Wareegayaa ” Saylici Oo Hadal Kulul Ka Jeediyey Boorama.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
More FEATURES