Madaxweyne Farmaajo Oo Sikul Uga Hadlay Colaada Ka Taagan Degmada Ceel Afweyn Ee Gobolka Sanaag.
Gebo Gebo News

July 11th, 2019
Madaxweyne Farmaajo Oo Sikul Uga Hadlay Colaada Ka Taagan Degmada Ceel Afweyn Ee Gobolka Sanaag.

Muqdisho(Gebogebonews)-Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka tiiraanyeysan yahay shaqaaqada iyo colaadda dadka walaalaha ah ee ka socota deegaanka Ceel-Afwen ee Gobolka Sanaag, taas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

 

Madaxweynuhu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii walaalaha ahaa ee ku geeriyooday dirirtan macno darrada ah, waxa uuna dadka ku dhaawacmay Alle uga beryey in uu degdeg ugu boogo-dhayo.

 

 

Madaxweyne Farmaajo waxa uu ugu baaqayaa Madaxda Maamulka Soomaaliland, Odayaasha Dhaqanka, Culimaa’u diinka, Ururrada bulshada rayidka ah, haweenka iyo dhallinyarada in ay u istaagaan joojinta dirirtan soo laalaabatay ee dhaawacday aayaha dhallinyarada deegaanka.

 

 

 

“Dirirtan aan ku saleysanayn qiimaha ee dhexmaraysa dadka walaalaha ah waa in si degdeg ah loo joojiyaa. Qarnigan in uu u daato dadkeenna dhiiggoodu daaqsin iyo waraab dartood, iyadoo dhulkeennu uu intaas baaxad la egyahay, waa arrin aanu qaadan karin damiirka fayow”.

 

 

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu xasuusinayaa dadka deegaanka Ceel-Afweyn xigtanimada, xiriirka iyo xididda qotada dheer ee ka dhaxeeya, sidoo kalena in lagu jiro bilihii barkaysnaa ee diinta Islaamku ay siisay xurmada gaarka ah.

255 Views




Features

  • Madaxweyne Biixi Oo Xilkii Ka Qaaday Taliye Ku Xigeenkii Ciidamada Asluubta Xasan Cali Dheere.
  • Madaxweyne Biixi Oo Qaabilay Wefti Uu Hoggaaminayo Safiirka Midawga Yurub U Qaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya.
  • Gudoomiye Ciro Oo Ka Hadlay Arimaha Ay Ka Wada Hadleen Wefti Ka Socda Beesha Caalamka Oo Ay Kulmeen Iyo Sababta Ay Uga Biyo Diiden Xubnaha Cusub Ee Komishan Ee Madaxweyne Biixi Soo Xulay.
  • Xildhibaanada Golaha Wakiillada Oo Si Adag Uga Dayriyey Xaalada Guud Ee Somaliland
  • Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi Sheegay In Caddaaladda Somaliland Ay Aad U Liidato
  • Wasiir Sacad Cali Shire Oo Shaaciyey Inaanay Somaliland Ahayn Gooni-u-goosad
  • Madaxweyne Erdogan oo wacad ku maray inuu ‘madaxa ka jari doono’ dagaalyahannada Kurdiyiiinta
  • Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Kenya Oo Bogaadisey Horumarka Somaliland Dalkeeda Ku Canaanatay Inay Waxbadan Kaga Daydaan Somaliland.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
More FEATURES