Jabhada Kornayl Caare Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadashay Jabkii Ay Kala Kulmeen Ciidamada Qaranka Somaliland.
Gebo Gebo News

July 12th, 2019
Jabhada Kornayl Caare Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadashay Jabkii Ay Kala Kulmeen Ciidamada Qaranka Somaliland.

Carmala(Gebogebonews) -Sarkaal ka tirsan Jabhadda Kornayl Caare ayaa Xalay Waraysi khaas ah oo uu siiyay Shabakadda Wararka Wargeyska Foore, waxa uu nooga waramay Khasaaraha Dagaalkii Shalay ku dhex maray Bariga Gobolka Sanaag Ciidanka Qaranka Somaliland iyo xaalada ay hadda ku sugan yihiin.

Sakariye Cabdilaahi Saajin oo sheegtay inuu yahay Xoghayaha Warfaafinta Jabhadda Caare ayaa waxa uu nooga waramay sidii uu ku bilawday dagaalkii Shalay, waxa kale oo uu nooga waramay maxaabiis laga qabtay Tiradda Ciidanka ka dagaalka ka dhintay.

 

 

 

“Waxaanu hadda joognaa Deegaanka Dhaamka Higladda La yidhaa ee ku dhaw Tuuladda Carmale, 50 Km ayay Bari ugu toosan tahay Magaaladda Ceerigaabo, walaal dagaalku waxa uu nagu bilawday abaaro 8-aroornimo ee Saaka (Shalay aroortii), waxaanu si kedis ah iskaga hor nimid Ciidanka Somaliland anagoo wakhtigaasi  ka nimid Xiingalool, waxa na dhex maray dagaal qadhaadh oo illaa 6-saacadood socday, waxaanu isku adeegsanay hub wixii aanu haysaynay, maansha Allaah Khasaare badani nama soo gaadhin, Kornayl Caarena wuu nala socday, dagaalka safka hore ayuu kaga jiray, hadeerna meel Iskuul ah ayuu hurdaa oo waa iga fog yahay”.

 

 

 

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “khasaaraha nasoo gaadhay ma badna, waxaa naga dhintay hal nin oo aanu anagu dhexdayada iska dilnay “Waxaa dhexdayada nooyaala Xeer, Qofkii dagaalka kasoo jeesta in la toogto, xeerkaasi ayaanu naga dhintay”, waxaa uu magaciisa ahaa Mukhtaar Maxamed Caydiid, goor dhawayd ayaanu aasnay. Khaaraha kale ee nasoo gaadhay waxaa ka mid ah, gaadhi tikniko ah oo god nagaga dhacay iyo laba nin oo dhaawac ahaa ayaa dagaalka lanagaga qabsaday, waxa kale oo ay Ciidanka Somaliland ay deegaanka dagaalku ka dhacay ka kaxaysteen todoba nin oo ka mid ahaa dadka deegaanka oo iskood isku hubeeyay oo naga barbar dagaalamayay, kuwaasi oo maxaabiis ahaan ciidanku u kaxaysteen, anaguna gaadhi qabaal ah ayaanu dagaalkaasi ku qabsanay, waxaananu ku dilnay Laba Askari, dhaawacyana waa la sheegayay”.

 

 

 

Waxa uu sheegay in Jabhad ka amar qaadata Boqor Buurmadaw ay dagaalkii Shalay ka qayb qaadatay“Waxaan intaasi kuugu darayaa, waxa dagaalka si toos ah uga qayb qaatay oo dhinaca nagaga qabtay Jabhaddii Boqor Buurmadaw, oo tikniko ku soo gashay dagaalka, arintaasina waa baadhisteedii waanu wadnaa”. Ayuu yidhi Sakariye Cabdilaahi Saajin.

 

 

 

Waxa uu intaasi raaciyay in labadii Maxbuus ee dhaawaca ahaa ee dagaalka lagaga qabtay ee Ceerigaabo la geeyay in mid ka mid ahi ay Qoyskoodii la baxsadeen “xogta hadda nasoo gaadhaysaa waxay sheegaysaa in Labadii nin ee naga dhaawacmay ee maxbuus ahaanta loo kaxaystay in mid cisbitaalka uu yaalo,kii kalena ay qoyskoodii kala baxsadeen Cisbitaalka”.

 

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

 

 

 

 

1292 Views




Features

  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
  • Madaxweyne Biixi Oo Ku Gacansaydhay Qorshe Uu Ula Yimid Wasiir Maxamed Kaahin + Xiisad Car Iyo Wira Oo  Ka Taagan Madaxtooyada.
More FEATURES