Baarlamaanka Ingiriiska Oo Wasiirul Dawlaha Khaarajiga Ee Dalkaas Wax Ka Weydiiyay Xidhiidhka Xumaaday Ee Guinea Iyo Somalia Ee Uu Sababay Socdaalkii Madaxweyne Biixi.
Gebo Gebo News

July 19th, 2019
Baarlamaanka Ingiriiska Oo Wasiirul Dawlaha Khaarajiga Ee Dalkaas Wax Ka Weydiiyay Xidhiidhka Xumaaday Ee Guinea Iyo Somalia Ee Uu Sababay Socdaalkii Madaxweyne Biixi.

Hargeysa(Gebogebonews)-Baarlamaanka Ingiriiska ayaa toddobaadkan lagaga hadlay socdaalkii Madaxweyne Biixi ku tagay dalka Guinea iyo xidhiidhka xumaaday ee Guinea iyo Soomaaliya iyo weliba saamaynta uu ku yeelanayo Somaliland.

 

Xildhibaan Liz Mclnnes oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska ayaa wasiirul dawlaha arrimaha dibadda Ingiriiska Harriet Baldwin waxay weydiisay su’aal nuxurkeedu ahaa bal in dawladda Ingiriisku wax qiimayn ah ku samaysay xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Guinea ee xumaaday iyo saamaynta ay ku yeelan karaan Somaliland.

 

 

 

Wasiir Harriet, ayaa ku jawaabtay “Ingiriisku wuu ka war qabaa xiisada la soo weriyay ee Guinea iyo Soomaaliya. Labada wadan iyagaa masuul ka ah xidhiidhkooda laba geesoodka ah. Kama war qabno wax saamayn ah oo uu xidhiidhkaasi ku yeelanayo Somaliland. Siyaasadda Ingiriiska ayaa ah in Somaliland iyo dawladda federaalka Soomaaliya ay go’aan ka gaadhaan xal waara oo la xidhidha mustaqbalkooda. Waanu sii wadaynaa taageerada iyo dhiirigelinta qorsheyaasha wada hadal nabadeed oo labada dhinac dhex mara.”

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

255 Views




Features

  • Xisbiga KULMIYE Oo Hadda Warbaahinta La Hadlay + Maxaa Soo Kordhay ?
  • “Waanu Joojinay Wada-shaqayntii Muuse Biixi, Qawlkiisa Iyo Ficilkiisu Isma Laha..” Faysal Cali Waraabe
  • Daawo: Madaxweyne Biixi Oo Xisbiyada Mucaaradka Ugu Baaqey Shir Deg Dega+Ujeedka Shirka
  • XOG-Madaxtooyada Puntland Oo Markale Abaabushay Mooshin Ka Dhana Gudoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka Puntland
  • Wakaalada Biyaha Burco Oo Dib Ugu Noqotay Marxalado Hore Oo Ay Ka Soo Gudubtay + Sababta.
  • Komishankii Hore Ee Dorashoyinka Somaliland Oo Ka Hadlay Arrimo Xasaasi Ah Oo Dalka Ka Taagan
  • Daawo:Golaha Guurtida Somaliland Oo Sheegay Inay Maxkamada Ka Dacwaynayaan Golaha Barlamaanka.
  • Xogo Laga Helay Wafti Ka Socda Beesha Caalamka Oo Hargeysa Imanaya+Ujeedkooda
  • Golaha Wakiilada Oo Dib U Celiyay Derajooyin La Siiyay Degmooyin Ay Caynaba Ku Jirto
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
More FEATURES