Madaxweyne Muuse Biixi Oo Tanaasulkii Laga Waayey Ka Dalbaday Mucaaridka, Saansaanta Mudo Kordhin Kalena Shaaciyey
Gebo Gebo News

July 20th, 2019
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Tanaasulkii Laga Waayey Ka Dalbaday Mucaaridka, Saansaanta Mudo Kordhin Kalena Shaaciyey

Hargaysa(Gebogebonews)-Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlayey munaasibad ka dhacday madaxtooyada somaliland ayaa labada xisbi mucaarid ugu baaqay inay muhiimada koowaad siiyaan qabsoomida doorashooyinka, isaga oo xusay inay soo dhawaatay wakhtigii sharcigu dhigayey in mudo kordhin laga dalbado golaha guurtida.

 

Madaxweyne Muuse oo la hadlaya xisbiyada mucaaidka ah ayaa waxa uu yidhi “Xisbiyada mucaaridka ah waxaan leeyahay saaxiibayaal wakhtigii doorashadu hadii ay inaga gaadho bisha August 10-keeda, sharciga waxa uu dhigayaa in loo gudbiyo guurtida caawana waxaynu joogna 20-ka July waxaana inoo hadhay 20 cisho iyada oo murankeenu yahay laba halagu daro gudida doorashada iyo yaan lagu kordhin, horta ma waxa inoo muhiim ah in laba qof lagu daro gudida doorashada mise in doorashadu inoo dhacdo ayaan waydiinayaa saaxiibaday.”

 

Madaxweyne Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa meesha ka saaray dooda ay qabaan xisbiyada mucaaridku ee la xidhiidha in la kordhiyo gudida doorashada waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay laba qof halagu kordhiyo oo imika sharci hala bilaabo macquul maaha, maantana aynu ku galno sharcigu sida uu yahay, marka aynu dhamayno baarlamaanka aynu ku darsano labada laakiin 20 cisho sharci hala furo oo halaga doodo maxaa loo kordhinaya oo baarlamaan haloo geeyo codna hala galiyo taas doorashadu way inagaga xumaanaysaa oo gaadhi mayno.”

 

Sidoo kale madaxweynaha somaliland ayaa labada xisbi mucaarid u dirnay codsi u muuqda inuu kaga dalbanayo inay tanaasul sameeyaan waxaanu yidhi “Labada xisbi waxaan u soo jeedinayaa dalku doorasho ayuu u baahan yahay, labadaas xubnood ee aad doonaysaan maalinta aynu doorashada ka baxno ajandaheena u horeeya ha noqdaan maantana hadaynu hawshaas galno ka bixi maynee waxaan soo jeedinayaa inaynu doorashadii galno oo aynu ka gudubno waxani ma findhicilbaa mise maaha hadalkiisana la xidho.”

142 Views




Features

  • Xukumada Somaliland Oo hanbalyeysay Dawladda Kenya Oo ku Guulaysatay Kursiga Aan Joogtadaahayn Ee midowga Afrika.
  • Kenya Oo Jabuuti Kaga Guulaysatay Kursigii Golaha Amaanka Iyo Tirada Codadka Ay Kala Heleen.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
More FEATURES