Ergayga Midowga Yurub Oo U Kala Dab-qaadaya Madaxweyne Biixi Iyo Madaxda Mucaaradka.
Gebo Gebo News

July 21st, 2019
Ergayga Midowga Yurub Oo U Kala Dab-qaadaya Madaxweyne Biixi Iyo Madaxda Mucaaradka.

Hargeysa(Gebogebonews)-Ergayga Midowga Yurub danjire Nicolás Berlanga Martinez, ayaa u kala dab qaadaya Madaxweyne Biixi iyo madaxda xisbiga mucaaradka ee Waddani iyo UCID, si la isugu soo dhaweeyo aragtiyaha labada dhinac ee kala fog ee la xidhiidha doorashada iyo guddiga doorashooyinka.

 

 

Wefti uu hoggaaminayo ergaygani oo socdaal ku yimid dalka khamiistii, ayaa waxa uu kulankiisii u horeeyay la yeeshay Madaxweyne Biixi oo ay ka wada hadleen qabsoomida doorashada wakiilada iyo deegaanka, magacaabista guddiga cusub ee doorashada iyo qodobo kale.

 

 

Shalay gelinkii dambena wuxuu ergaygan Midowga Yurub kulan la yeeshay madaxda labada xisbi ee mucaaradka ee Waddani iyo UCID oo ay kala hoggaaminayeen Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde iyo Faysal Cali Waraabe. Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulankan laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in ergaygu madaxda mucaaradka soo hordhigay 5 qodob oo uu sheegay inay Madaxweyne Biixi isla soo garteen, kuwaas oo haddii ay iyaga islagartaana bilow u noqon kara  isfaham siyaasadeed oo sababa inay doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan.

 

 

 

Qodobada ayaa waxa sida uu warku sheegay ugu muhiimsan:

In Doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan

In bisha august ee sannadkan la magacaabo guddi doorasho oo cusub

In la magacaabo sagaal xubnood, laakiin haddii uu Baarlamaaku diido doorashada lagu galo 7 xubnood sidii caadiga ahayd.

 

 

Qodobka ugu muhiimsan ee la isku mari la’aa ayaa ah tirada guddiga cusub ee doorashada. Xukuumadda  iyo xisbiga KULMIYE ayaa aaminsanaa in doorashadan lagu galo 7 xubnood, halka ay mucaaradka oo uu Waddani ugu horeeyaa aaminsanaayeen in guddiga doorashada laga dhigo 9 xubnood.

 

 

 

Sida uu warku sheegay labada xisbi mucaarad ayaa aqbalay soo jeedinta ergayga Midowga Yurub, waxaanay sheegeen inay aqbaleen in haddii uu Baarlamaanku diido tirada cusub ee guddiga doorashada ee ah 9 xubnood ay ogolaan doonaan in doorashada lagu galo tiradii hore ee guddiga doorashada ee ahayd 7 xubnood.

 

 

Sida ay ilahan xogogaalka ahi u sheegeen wargeyska Geeska Afrika, warqad aan si rasmi ah u qornayn oo uu diblomaasigan midowga Yurub ku soo diyaariyay soo jeedimihiisa ayaa wuxuu ka saxeexay guddoomiye Cabdiqaadir Jirde iyo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxaanu sheegay inuu xalay kula noqonayay Madaxweyne Biixi oo ay markii hore qodobadan isla soo garteen.

 

 

Haddii uu ergayda Midowga Yurub ku guulaysto dedaalkan uu ugu kala dabqaadayo madaxtooyada iyo mucaaradka, waxa la filayaa inay dhinacyadu saxeexaan heshiis ku saabsan qabsoomida doorashada, kaas oo jidka u xaadhi doona inay doorashooyinku qabsoomaan.

175 Views




Features

  • Xisbiga KULMIYE Oo Hadda Warbaahinta La Hadlay + Maxaa Soo Kordhay ?
  • “Waanu Joojinay Wada-shaqayntii Muuse Biixi, Qawlkiisa Iyo Ficilkiisu Isma Laha..” Faysal Cali Waraabe
  • Daawo: Madaxweyne Biixi Oo Xisbiyada Mucaaradka Ugu Baaqey Shir Deg Dega+Ujeedka Shirka
  • XOG-Madaxtooyada Puntland Oo Markale Abaabushay Mooshin Ka Dhana Gudoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka Puntland
  • Wakaalada Biyaha Burco Oo Dib Ugu Noqotay Marxalado Hore Oo Ay Ka Soo Gudubtay + Sababta.
  • Komishankii Hore Ee Dorashoyinka Somaliland Oo Ka Hadlay Arrimo Xasaasi Ah Oo Dalka Ka Taagan
  • Daawo:Golaha Guurtida Somaliland Oo Sheegay Inay Maxkamada Ka Dacwaynayaan Golaha Barlamaanka.
  • Xogo Laga Helay Wafti Ka Socda Beesha Caalamka Oo Hargeysa Imanaya+Ujeedkooda
  • Golaha Wakiilada Oo Dib U Celiyay Derajooyin La Siiyay Degmooyin Ay Caynaba Ku Jirto
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
More FEATURES