Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi  Oo Loogu Baaqay  Inuu Xidhiidh La Sameeyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Gebo Gebo News

July 21st, 2019
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi  Oo Loogu Baaqay  Inuu Xidhiidh La Sameeyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Hargeysa (Gebogebonews) Wargeyska caanka ah ee The Indian Ocean  ayaa cadadkiisii shalay wuxuu baahiyay qormo ku saabsan xidhiidh u socda dawladda Somaliland iyo dawladda Ruushka, kaas oo uu ka shaqaynayo madaxweynaha dala Guinea Alpha Conde.

 

Wargeysku wuxuu sheegay in Madaxweyne Biixi markii uu horraantii bishan la kulmay madaxweynaha Guinea  Alpha Conde ay isla soo qaadeen xidhiidh dhexmara Ruushka iyo Somaliland iyo in Somaliland saldhig milateri siiso dalka Ruushka.

 

 

 

Wargeysku wuxuu sheegay in madaxweyne Alpha Conde uu madaxweyne Biixi ku dhiirigeliyay inuu xidhiidh dhow la yeesho madaxweynaha Ruushka Vladimir putin.

 

Wargeysku wuxuu intaas raaciyay  in Mr. Zhogng Jianhua oo ahaa wakiilkii dawladda China u qaabilsanaa  arimaha Afrika sannadihii 2012-2016 oo uu sheegay inuu hadda yahay  la taliyaha madaxweynaha Ruushka ee arrimaha Afrika uu muddooyinkii u danbeeyay xidhiidh is daba jooga la lahaa madaxweyne Biixi si uu ugu qalqaaliyo inuu aqbalo in Ruushku saldhig milateri ku yeesho Somaliland.

 

 

 

Ruushka oo hore iskugu dayay inuu saldhigyo ka samaysto Sudan, Erateria iyo Djabuuti inuu hadda u muuqdo inuu Somaliland u soo guurayo oo uu qorshaynayo inuu saldhig ka samaysto deegaanka Saylac.

 

 

Wargeysku waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda Conakry ee dalka Guinea  ay tallaabooyinka danta u ah Somaliland qaaday markii ay aragtay dalal kale oo Midawga Afrika ka tirsan oo indhaha ku haya Somaliland.

 

 

 

Madaxweyne Alpha conde ayaa sida wargeysku sheegay wuxuu dawladda itoobiya u tilmaamay in dalalka Senegal iyo Niger ay taageersan yihiin qadiyadda Somaliland oo ay taageeri doonaan mooshin dan u ah qadiyadda madax bannaanida Somaliland.

 

 

Wargeysku wuxuu tilmaamay in dalalkani ay dedaaladoodan siyaadadeed iyo milateri uga dan leeyihiin fursado ganacsi oo u muuqda.

 

 

Wargeysku wuxuu intaas ku daray in madaxweyne Biixi intuu uu socdaalka ku joogay dalka Guinea uu booqday dhowr xarumood oo ah kuwa macdanta.

 

 

The Indian Ocean Newsletter ayaa soo hadal qaaday in dawladda Soomaaliya ay xidhiidhka u jartay dalka Guinea ka dib markii uu dalka Guinea soo dhawayn iyo qaabilaad u sameeyay Madaxweyne Biixi islamarkaana ay kulmeen Madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Alpha Conde.

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

335 Views




Features

  • Xukumada Somaliland Oo hanbalyeysay Dawladda Kenya Oo ku Guulaysatay Kursiga Aan Joogtadaahayn Ee midowga Afrika.
  • Kenya Oo Jabuuti Kaga Guulaysatay Kursigii Golaha Amaanka Iyo Tirada Codadka Ay Kala Heleen.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
More FEATURES