Xildhibaanadda Somaliland ee Muqdisho Ku Sugan Oo Farmaajo ku edeeyay inuu cadaawadda kula dhaqmayo somaliland.
Gebo Gebo News

July 21st, 2019
Xildhibaanadda Somaliland ee Muqdisho Ku Sugan Oo Farmaajo ku edeeyay inuu cadaawadda kula dhaqmayo somaliland.

Muqdisho(Gebogebonews)Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa dowladda federaalka eedeyay.

 

Xildhibaannada oo deegaan Ahaan Ka Soo Jeeda gobollada waqooyiga ayaa dowladda federaalka ku eedeyay wax ay ku sheegeen inay cunaqabateyn ku heyso shacabka deegaannada Soomaaliland.

 

 

Waxaa kalo xildhibaannada ay cambaareeyeen heshiis ay sheegeen dowladda federaalka inay la gashay Sacuudiga.

 

“Culeys gaar ah ayaa saarnaa Soomaaliland iyo ganacsatada gobollada waqooyiga tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweyne Farmaajo.” ayuu yiri xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka mid ahaa xildhibaannada shirka jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

 

Waxaa kalo uu inta ku daray in deegaannada Soomaaliland laga joojiyay hay’adihii gargaarka gaarsiin jiray.

 

Gabagabadii, xildhibaannada ayaa beeniyay hadalkii ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo sheegay dowladda federaalka xiriir ay la sameysay Sacuudiga in lagu fasaxay markab xoolo sidey oo lagu xanibay Sacuudiga, waxaana ay sheegeen sii deynta markabka dowladda inaysan wax lug ah ku lahayn.

 

 

Xildhibaannada ayaa eedeyay dowladda federaalka xilli toddobaadkii hore uu madaxweyne Farmaajo magacaabay gudida dhab u heshiisiinta iyo wada-hadallada ee dowladda Federaalka iyo Somaliland.

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

159 Views




Features

  • Xukumada Somaliland Oo hanbalyeysay Dawladda Kenya Oo ku Guulaysatay Kursiga Aan Joogtadaahayn Ee midowga Afrika.
  • Kenya Oo Jabuuti Kaga Guulaysatay Kursigii Golaha Amaanka Iyo Tirada Codadka Ay Kala Heleen.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
More FEATURES