Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Saajin Oo Saxeexay Siyaasad Saamaynaysa Dhaqaalaha Somaliland.
Gebo Gebo News

July 22nd, 2019
Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Saajin Oo Saxeexay Siyaasad Saamaynaysa Dhaqaalaha Somaliland.

Hargeysa(Gebogebonews)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska JSL Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) ayaa si rasmiya u saxeexay Siyaasadda Meharadaha Wadhatada , Yaryar iyo Dhexe oo looyaqaanno sidoo kale MSME Policy. Siyaasaddan ayaa ay dhawaan golaha Wasiiraddu ansixiyeen si ay wax uga qabato dhaqaalaha Somaliland ee il-kaliyaalaha ku tiirsan Xoolaha nool oo kaliya.
 
 
 
Qoraal uu Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiisku horudhac uga dhigay Siyaasaddan ayaa u dhignaa sidan soo socota :
 
 
 
Meheradaha Wadhatada, Yaryar, iyo Dhexe (MWYDH) waxay ka koobanyihiin dhammaan qaybaha kala duwan ee dhaqaalaha, waxayna sameeyaan ilaha ugu balaadhan ee shaqaaleynta iyo hanti-abuurka sida ku cad Qorshaha Horumarinta Qaranka II.
 
Horumarinta Meheradaha noocan ah (MWYDH) ayaa loo arkaa inay kamidyihiin hababka joogtada ah ee loo isticmaali karo inay yareeyaan saboolnimada iyo hagaajinta tayada nolosha qoysaska. Kaalinta MWYDH ee horumarinta dhaqaalaha joogtada ah ayaa hadda loo aqoonsan yahay inay yihiin kuwa ugu firfircoon qaybaha kala duwan ee dhaqaalaha, waxayna soo bandhigaan fursado lagu xaqiijinayo horumar ballaaran oo loo dhanyahay. Meheradahani waxay fududeeyeen ka qaybqaadashada dhaqalaaha ee kooxaha laga faquuqay horumarka dhaqaalaha wadanka , sida dumarka iyo dhalinyarada iyagoo u fura fursado intii hore ka badan, iyo iyagoo dhanka kale taageera koritaanka deegaanada ka hadhay koboca dhaqaalaha wadanka intiisa kale.
 
 
 
Hadaba, Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiisku waxay diyaarinaysaa qaab-fulineed dhamaystiran oo xaqiijinaya hirgalinta saxda ah ee siyaasaddan, iyada oo sidoo kale ay kaqayb qaadanayaan dhammaan dhinacyada daneeyayaasha ah ee ku lugta leh hirgalinta siyaasaddan.
 
 
 
Waxaan aad uga mahad celinayaa doorka ay ka qaateen Hay’adaha Dawliga ah, Ganacsatada iyo saaxiibadeena dhanka horumarka dhamaystirka siyaasaddan.
 
 
 
Ugu dambeyntii, waxaan u mahad celinayaa masuuiyiinta Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska sida wanaagsan ee ay u hogaaminayeen geeddi-socodka dhamaystirka siyaaasadda.
Gebogebonews.com
Gebogebonews@gmail.com
315 Views




Features

  • Xisbiga KULMIYE Oo Hadda Warbaahinta La Hadlay + Maxaa Soo Kordhay ?
  • “Waanu Joojinay Wada-shaqayntii Muuse Biixi, Qawlkiisa Iyo Ficilkiisu Isma Laha..” Faysal Cali Waraabe
  • Daawo: Madaxweyne Biixi Oo Xisbiyada Mucaaradka Ugu Baaqey Shir Deg Dega+Ujeedka Shirka
  • XOG-Madaxtooyada Puntland Oo Markale Abaabushay Mooshin Ka Dhana Gudoomiyihii Hore Ee Baarlamaanka Puntland
  • Wakaalada Biyaha Burco Oo Dib Ugu Noqotay Marxalado Hore Oo Ay Ka Soo Gudubtay + Sababta.
  • Komishankii Hore Ee Dorashoyinka Somaliland Oo Ka Hadlay Arrimo Xasaasi Ah Oo Dalka Ka Taagan
  • Daawo:Golaha Guurtida Somaliland Oo Sheegay Inay Maxkamada Ka Dacwaynayaan Golaha Barlamaanka.
  • Xogo Laga Helay Wafti Ka Socda Beesha Caalamka Oo Hargeysa Imanaya+Ujeedkooda
  • Golaha Wakiilada Oo Dib U Celiyay Derajooyin La Siiyay Degmooyin Ay Caynaba Ku Jirto
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
More FEATURES