Akhriso Mid Kamida Boogihii Ugu Dhibta Badnaa Qarankani Ee Uu Dhayo Ex- Madaxweyne Axmed Siilaanyo Qore Ex-Wasiir Cali Mareexaan.
Gebo Gebo News

August 11th, 2019
Akhriso Mid Kamida Boogihii Ugu Dhibta Badnaa Qarankani Ee Uu Dhayo Ex- Madaxweyne Axmed Siilaanyo Qore Ex-Wasiir Cali Mareexaan.

27.07.2010 waxay ahayd maalintii ay madax-waynayaashii Daahir Rayaale iyo Axmed Siilaanyo xukunka la kala wareegeen. Waxaa munaasibadii caleemo saarka ka soo qayb galay Wefti balaadhan oo ka yimi dalka Kenya, oo ka kooban baarlamaan, siyaasiyiin caan ah iyo ganacsato waawayn. Waxaa hogaaminayey Faarax Macalin oo markaa ahaa gudoomiye xigeenka baarlamaanka Kenya.

 

 

 

Weftigaasi waxay wateen diyaarad khaas ah oo ilaa 80 qof qaada, waana iska lahaa Col. Farax oo ah ganacsade caan ka ah bariga Africa isaga ayaana diyaarada duulinayey oo ka ahaa pilot.

 

 

Subaxii markii la isugu yimi xafladii caleemo saarka Col. Faraax wuxuu nooga sheekeeyey aniga iyo masuuliyiin kale shil ku dhacay diyaaradiisii markii ay Hargaysa soo caga dhiganaysay. Wuxuu yidhi “Runway-ga garoonka Hargaysa waxaa ka qodan godad waawayn oo aad baliyo moodo oo aad u fara badan, dhererkiisuna wuu gaaban yahay. Markii aan soo caga dhiganayey waxaan cagta la heley god wayn diyaaradiina way sigatay iminka shakalada ayaa mid qarxay oo saliid farabadan ayaa ka qubanaysa” wuxuu intaa noogu daray waxoogaa canaan ah wuxuu yidhi “caasimadna waa sheeganaysaan airport kiiniina waa sidaa. Waxaan idinkula talinayaa in waxa ugu horreeya ee aad qabataan uu ahaado dhismaha Airportka”

 

 

 

Su’aal ayaan waydiiyey oo ah bal iminka inuu dib ugu duuli karo ilaa Nairobi waxaanu ii sheegay in uu ilaahay tawakalayo.

 

 

Laba bilood ka dib ayaan tegey Nairobi Col. Farax ayaa gurigiisa nagu casuumay waxaana goobta fadhiyay AHN Indhabuur oo ahaa wakiilkii JSL ee Kenya, AHN Blacki oo ahaa wakiilkii SNM ee Kenya xiligii halganka, Duur, Waabeeyo iyo Aniga, waxaan waydiiyey sida uu diyaaradii u soo fadhiisiyey.

 

 

 

Wuxuu yidhi” iyada oo saliidii sidaa u daadinaysa ayaan cagaha dhulka ugu dhuftay. Ilaahay waxba naguma yeelin”

 

 

 

Siilaanyo wuxuu xukunka wareejiyey Airportkii oo aad u dhisan oo ay fadhiisan karaan Airbus 380 double-deck ama Boeing 747 Jumbo jet. Afar shirkado diyaaradood oo caalami ahina ay isticmaalaan.

 

 

 

 

 

 

 

Qore: Ex-WasiirCali Hassan(Cali Marexan)

138 Views




Features

  • Daawo:Masuuliyinta Dawlada Hoose Ee Burco Oo Go’aamo Culus Dul Dhigay Hiliblayaasha Magaalada Burco.
  • Dekeda Hobyo Ee Qatar U Dhisayso Soomaaliya Oo Sucuudigu Kaga Jawaabay Aqoonsiga Baasaaboorka Somaliland.
  • Daawo:Ururka Maamuus Oo shahaado sharafyo ku maamuusay Qaar Kamida Mujaahidiinti SNM Ee ka Qayb Qaatay Halgankii Dheeraa Ee lagu Xoreeyay Dalka.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
More FEATURES