Ex Madaxweyne Daahir Rayaale Oo Ka Hadlay Colaada Ceel Afweyn Iyo Jabhada Caarre, Talooyina U Diray Madaxweyne Biixi.
Gebo Gebo News

August 12th, 2019
Ex Madaxweyne Daahir Rayaale Oo Ka Hadlay Colaada Ceel Afweyn Iyo Jabhada Caarre, Talooyina U Diray Madaxweyne Biixi.

Hargeysa(Gebogebonews)-Madaxweynihii hore ee somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin ayaa ka hadlay colaada ka taagan ceel Afweyn, jabhada Kornayl Caare iyo xaalada uu haatan dalku marayo.

 

Madaxweynihii hore ee somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo maanta la tukaday shacabka magaalada Boorama ayaa soo bandhigay talooyin uu u diray madaxweyne Muuse Biixi oo ku saabsan qaabka loo dhamayn karo jabhada Kornayl Caare.

 

Ex madaxweyne Daahir Rayaale oo ka hadlaya xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa waxa uu yidhi “Dalku waa khayr ee alle haw siyaadiyo wixii khialaf ah ee aan dadka waxba u tarayna halayska daayo, khilaafka ilaahay ayaa inagala dardaarmay oo umada waxba uma taro, khilaafka halayska daayo oo umadu ha noqoto kuwo iska reeba xumaha iskuna waaniya samaha.”

 

 

Ex madaxweyne Daahir Rayaale oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxaan ku talinayaa halaga heshiiyo wax kasta oo khilaaf ah”

 

 

Sidoo kale waxa uu ka hadlay colaada ka taagan deegaanka Ceel Afweyn isaga oo shacabka deegaankaasna ugu baaqay inay joojiyaan colaada isla markaana nabad galyo ku wada noolaadaan waxaanu yidhi “Arintasi waa musiibo umada ku dhacday wax loo baahan yahayna maaha, waxaan umadaas kula talinayaa dad walaalo ah ayaad tihiin oo ma kala guuraysaan aniguna deegaankaas waan aqaanaa, mar hadaydaan kala guurayn oo ilaahay iskiin badan inaad iska daysaan dilka iyo dhagarta uu ilaahay mamnuucayiska daysaan oo aad walaalowdaan oo aad isa saamaxdaan weeyaan.”

 

 

Dhinaca kale ex madaxweyne Rayaale ayaa ka hadlay jabhada kornayl Caare isaga oo madaxweynahana u diray talooyin wax ku ool ah “Wax loo baahnaa may ahayn waxaanan ku talinayaa in caare iyo cid kastaba heshiis lagu dhameeyo arimaha meeshaas ka taagan, madaxweynuhu isaga ayaa dalka ugu sareeya ee waa in wax kasta maarayn karo oo uu nabada ku soo dabaali karo uu ku soo dabaalo.”ayuu yidhi Daahir Rayaale oo la hadlay hctv.

 

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

171 Views




Features

  • Daawo:Masuuliyinta Dawlada Hoose Ee Burco Oo Go’aamo Culus Dul Dhigay Hiliblayaasha Magaalada Burco.
  • Dekeda Hobyo Ee Qatar U Dhisayso Soomaaliya Oo Sucuudigu Kaga Jawaabay Aqoonsiga Baasaaboorka Somaliland.
  • Daawo:Ururka Maamuus Oo shahaado sharafyo ku maamuusay Qaar Kamida Mujaahidiinti SNM Ee ka Qayb Qaatay Halgankii Dheeraa Ee lagu Xoreeyay Dalka.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
More FEATURES