Guddida Garxajis Oo Ka Hadlay Natiijada Kulamadii Ay La Qaateen Kornayl Caare Iyo Kulan Ay U Balansan Yihiin Madaxweyne Muuse Biixi.
Gebo Gebo News

August 12th, 2019
Guddida Garxajis Oo Ka Hadlay Natiijada Kulamadii Ay La Qaateen Kornayl Caare Iyo Kulan Ay U Balansan Yihiin Madaxweyne Muuse Biixi.

Hargeysa(Gebogebonews)-Gudoomiyaha guddida beelaha Garxajis Suldaan Cade Gude oo ka mid ahaa madax dhaqameedkii waan waanta ka dhexwaday xukuumada iyo jabhada caare ayaa ka hadlay halka ay hawluhu u marayaan.

 

 

Suldaan Cadegude waxa uu shaaciyey in kulamo ay la qaateen jabhada Kornayl Caare ay ugu soo dhamaadeen isfaham isla markaana ay haatan sugayaan madaxweynaha somaliland oo ay la wadaagi doonaan wixii ay la soo gaadheen jabhadaasi.

 

 

 

Suldaan Cade Gude oo ka hadlaya natiijada kulamadii ay la qaateen kornayl Caare ayaa waxa uu yidhi “Markaan arintaas nuxurkeeda soo ururiyo waxba been badan iyo ku tidhi ku teen oo la sheegayaa waxba ma tarayaan balse ujeedadu waxa weeyaan in ninkaas sarkaalka ah iyo jabhadiisaba aanu ku soo dhamaysanay in arintaas si salmi ah oo isfaham iyo miiska wada hadalka lagu dhamaysto, arintaasna waxaan u soo gudbinaynaa oo aanu u soo anba baxnay dhinaca madaxweynaha runtiina intii aanaan hargeysa soo gaadhin caasimada ayuu xajka u baxay, isaga ayaa la sugayaa oo laga war dhawrayaa laakiin xagaas wax ku qaydhin oo xumaan ah haba yaraatee kuma ogin.”ayuu yidhi Suldaan Cade Gude oo la hadlay CBA.

 

 

Sidoo kale waxa uu sheegay in natiijada dedaalada ay wadaan ay ku xidhan tahay madaxweynaha somaliand “Arintana xaqiiqatan inay xumaato iyo inay samaato waxay ku xidhan tahay madaxweynaha, wax kasta oo dalka ka jiraana inay waxay ku wanaagsanaanayaan iyo waxa ay ku xumaanayaan waxay ku xidhan tahay madaxweynaha iyo xukuumadiisa, waxaanan ilaahay ka rajaynayaa inuu waafajiyo sida xaqa ah ee wanaagsan ee dalkan iyo dadkanba dan u ah.”

 

 

 

Dhinaca kale Suldaan Cade Gude ayaa shacabka somaliland u sheegay inaanay jirin wax ay isku diideen kornayl Caare iyo jabhadiisa “Shacabka somaliland waxaan u cadaynayaa in arintaas aanu wanaag kaga keenay xagaas Sanaag, halkana iyada oo aanu wanaagii u gayn doono madaxweynaha iyo xukuumadiisa, wixii ka soo baxaana ay noqon doonaan wax madaxweynaha iyo xukuumadiisu haday wanaag ku dhameeyaana ay wanaag tahay haday haday wax ka xumaadaana anigu waxaan aaminsanahay madaxweynaha iyo xukuumadiisa wax ka xumaada mooyaane dhinaca kale waxba kamay xumayn.”

 

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

437 Views




Features

  • “Waxaa Ballan Qaadaynaa In Aanu Mar Dambe Faysal Isu Soo Sharrixi Doonin Madaxweynaha Somaliland” Guddoomiye Baashe Oo Si Kulul U Weeraray Faysal Cali Waraabe.
  • Gudoomiyihii Garabka Dhalinyarada Xisbiga Waddani Oo Is casilay + Sababta.
  • Daawo:Shirweynihii Xisbiga Talada Dalka Somaliland Haye Ee KULMIYE Oo Dib Loo Dhigay +Sababta.
  • Xukumada Somaliland Oo Shaacisay Kiisas Cusub Oo Ah Xanuunka Coved-19.
  • Daawo:Guddida Ka Hortagga Cudurka Halista Ah Ee COVID-19  Ee Somaliland Oo Xisaab Celin Sameeyay.
  • Itoobiya Iyo Eritrea Oo Qorsheeyey Afduub Ka Dhan Ah Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.
  • Tirada Dhimashada Iyo Kiisaska Cusub Ee Xanuunka Covid-19 Ee Somaliland Oo Korodhay.
  • Khabiir Maraykan Ah Oo Ka Digay Halista Ka Dhalan Karta Qorshaha Uu Madaxweyne Biixi Ku Sheegay Inuu Qaddiyadda Somaliland Gayn Doono Maxkamad Caalami Ah.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
More FEATURES