Xukumada Somaliland Oo Shaaciysay In La Qabqabtay Dadkii Haweenka Ku Laayay Degmada Ceel-Afweyn.
Gebo Gebo News

August 13th, 2019
Xukumada Somaliland Oo Shaaciysay In La Qabqabtay Dadkii Haweenka Ku Laayay Degmada Ceel-Afweyn.

Hargaysa (Gebogebonews)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka hadlay Dil Deegaanka Ceel Af-weyn loogu geystay 7 Qof.

 

 

Madaxweyne ku-xigeenka oo Tacsi u diray Ehelada Dadka lagu laayey deegaanka Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag, ayaa sidoo kalena sheegay in la qabtay qaar ka mid ah Dablaydii dilkaa geysatay xubno ka mid ah.

 

 

 

Sidaana waxa lagu sheegay Qoraal Tacsi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, kaasi oo isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, qoysaska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiintii ku geeriyootay shalay Ceel-afweyn oo dhammaa Todoba ruux oo afar ay haween yihiin.

 

 

 

Iyadoo Ciidamada amnigu ay gacanta ku soo dhigeen qaar ka mida dablaydii geysatay fal-danbiyeedkaa foosha xun, laguna daba jiro intii kale, waxaana socda hawl-galka lagu baadi goobayo hadhaaga dablaydaasi iyadoo la horgeyn-doono sharciga, ehelada dadkooda ku waayey falkaasina waxa uu madaxweyne ku xigeenku ku adkaynayaa inay dejiyaan xaaladooda kana war-sugaan  hawl-galka ciidamada iyo horgaynta sharciga.

 

 

 

 

Ku simaha Madaxweynaha Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici, wuxuu ugu baaqayaa bulshada deegaanka ceel-afweyn inay xil iska saaraan adkaynta amniga. Xukuumadda Somaliland marnaba ma aqbalayso dhiiga dadka ehelka ah ee maalin walba macno la’aanta ku daadanaya.

 

 

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu amrayaa ciidamada amaanka iyagoo gudanaya waajibaadkooda qaran inay sugaan nabadgelyada deegaankaasi, cid kasta oo falal amni daro ku hawlana ay gacan bir ah ku qabtaan.

Waxaanu Madaxweyne ku xigeenku marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, inta dhaawaca ahna uu caafimaad sareecana siiyo kana dulqaado dhibaatada…”

ALLAA MAHAD LEH-

Maxamuud Warsame Jaamac

167 Views




Features

  • Daawo:Masuuliyinta Dawlada Hoose Ee Burco Oo Go’aamo Culus Dul Dhigay Hiliblayaasha Magaalada Burco.
  • Dekeda Hobyo Ee Qatar U Dhisayso Soomaaliya Oo Sucuudigu Kaga Jawaabay Aqoonsiga Baasaaboorka Somaliland.
  • Daawo:Ururka Maamuus Oo shahaado sharafyo ku maamuusay Qaar Kamida Mujaahidiinti SNM Ee ka Qayb Qaatay Halgankii Dheeraa Ee lagu Xoreeyay Dalka.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
More FEATURES