Ex Wasiir Xaglatoosiye Oo Ku Taliyay In Tabashada Saami-Qaybsiga Dib Loo Dhigo.
Gebo Gebo News

August 15th, 2019
Ex Wasiir Xaglatoosiye Oo Ku Taliyay In Tabashada Saami-Qaybsiga Dib Loo Dhigo.

Hargaysa (Gebogebonews)-Siyaasi Saleebaan Ciise Axmed (Saleebaan Xaglatoosiye), oo Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo ka soo qabtay xilalka Wasiirnimo ee Wasaaraddaha Dib u dejinta iyo Caafimaadka, ayaa ka hadlay tabashada saami-qaybsiga, iyo Xildhibaanada ka soo dareeray Golaha, waxaanu tilmaamay in saami-qaybsiga oo Doorashada lagu saleeya uu muhiim yahay.

 

Siyaasi Saleebaan Ciise Axmed (Saleebaan Xaglatoosiye),  oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale bulshada u diray baaq ku saabsan nabadgalyada waxaanu  ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waxaa muhiima ah si xeedhana xeedho u noqoto ilkana u nabad galaan in Doorashadan sidii hore lagu galo, oo Barlamaanka dambe ee imanaya iyo Guddida Doorashooyinka dambe ee imanaya ay sameeyaan sidii Doorashada dambe ee Barlamaanku loogu gali lahaa saami qaybsi, aniguna ma diidani saami qaybsiga, oo waxaan leeyahay Beelaha darafyada Somaliland iyo Beesha dhexe iyo guud ahaan Beelaha kala duwan ee Somaliland wada degaa xaq bay u leeyihiin inay helaan kuraastooda iyo saami-qaybsigooda, laakiin inta maanta la leeyahay saami-qaybsi ha la sameeyo, waxay ahayd in mar horeba laga sii baaran dego, oo hore looga sii tashado,Doorashada oo hadda saami-qaybsi lagu xidhaana dib u dhac iyo dhibaatooyin kale oo aynaan u baahnayn ayey inagu keenaysaa, ee taladdaydu waa dib ha loogu dhiga hadda tabashada saami-qaybsiga, oo si aanay Doorashadu dib inooga dhicin, oo qorshe ha laga sii yeesho Doorashooyinka dambe, oo Doorashooyinka dambe ha la inoo qabto Doorashooyin ku saleeysan saami-qaybsi”

146 Views




Features

  • Wasiirkii hore Ee Hawlaha Guud Cali Mareexaan Oo Soo Jeediyay In Miiska Uu Ku Shaqeeyo Madaxweyne Biixi Loogu Magac Daro Fannaan Caan Ah.
  • Wasiirka Wasarada Biyaha Saleeban Cali Koore Oo Isku Shandhayn ku Samayeey Agaasime Waaxeedyada Wasaaradaasi.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
More FEATURES