Magacyada Madaxda Xajka Soo Gudatay Ee Uu Boqorka Sucuudigu Casuumada U Sameeyay Iyo Madaxweyne Biixi Oo Laga Reebay.
Gebo Gebo News

August 17th, 2019
Magacyada Madaxda Xajka Soo Gudatay Ee Uu Boqorka Sucuudigu Casuumada U Sameeyay Iyo Madaxweyne Biixi Oo Laga Reebay.

Hargeysa(Gebogebonews)-Warbaahinta Arab News ee caanka ka ah dalka Sucuudiga ayaa soo bandhigtay magacyada masuuliyiinta dunida Islaamka ee ka qayb galay casuumada uu boqorka Sucuudiga Boqor Salman sannadkan u sameeyay madaxda iyo dadka caanka ah ee ka qayb galay gudashadii waajibaadka Xajka.

Warbaahinta Arab News, ayaa qortay in Boqor Salman uu Isniintii toddobaadkii tagay kulan qaabilaad ah u sameeyay madaxda iyo shakhsiyaadka kale ee caanka ka ah dunida Islaamka ee sannadkan ka qayb galay gudashadii waajibaadka Xajka.

 

 

Arab News, wuxuu soo bandhigay magacyada madaxda ka qayb gashay martiqaadka uu boqorku sameeyay oo ka dhacday qasriga Mina ee magaalada barakaysan ee Maka, waxaanay kala yihiin:

 

 

1 Madaxweynaha Yemen Cabd-Rabbu Mansour Hadi

Raysalwasaaraha Djibouti Cabdoulkader Kamil
Raysalwasaaraha Guinea Dr. Ibrahim Kasuri Fofana
Raysalwasaarihii hore ee Ciraaq Haider Al-Abadi,
Shaukat Sudhan, Madaxda xisbiga haya dalka dalka Mauritius oo sidoo kale ah madaxa arrimaha xajka

 

Guddoomiyaha xisbiga Peoples Justice party ee Malaysia Anwar Ibrahim;
Raysalwasaare-xigeenk Malaysia Dr. Wan Azizah bint Wan Ismail, oo sidoo kale ah Wasiirka arrimaha haweenka, qoyska iyo horumarinta bulshada ee Malaysia
Waxa kale oo madasha joogay guddoomiyayaasha baarlamaanada ee dhawr dal oo Islaam ah.

 

 

 

Warbaahinta Arab News, waxa kale oo ay soo bandhigay muuqaalka sawirka ah ee laga qaaday madaxda kulankaas ka qayb gashay, waxaana xusid mudan inaanu Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ka dhex muuqan madaxda kulankaas ka qayb gashay, iyadoo ay xusid mudantahay in wargeyska caanka ah ee Al-Sharqal Aawsat uu sannadkii hore daabacay in Madaxweyne-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici uu ka mid ahaa madaxda ka qayb gashay casuumadaas uu boqor Salman sannadkii hore sameeyay. Madaxweyne Biixi ayaa dhawr muuqaal oo laga soo duubay waxa ka muuqda in hab maamuus wanaagsan ay dawladu Sucuudigu u samaysay, waxase la isweydiinayaa sababta u u uga baaqday casuumada Boqorka.

 

 

 

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Faratoon oo isaguna ka mid ah masuuliyiinta Somalialnd ee soo gudatay waajibaadka Xajka oo uu Geeska Afrika wax ka weydiiyay sababta uu Madaxweyne Biixi uga dhex muuqan waayay madaxda martida u ah Sucuudiga ee uu boqorku casuumay ayaa ka gaabsadya inuu jawaabo.

 

 

 

Madaxtooyada Somaliland ayaa hore u sheegtay in Madaxweyne Biixi uu la kulmi doono masuuliyiinta dawladda Sucuudiga marka uu dhammaysto gudashada waajibaadka Xajka.

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

421 Views




Features

  • Daawo:Munaasibad Soo Dhaweyna Oo Loo Sameeyey Hogaanka Cusub Ee Xisbiga Kulmiye Ee Dalka Sweden.
  • Daawo:Wefti Wasiiro Ah Oo Gaadhay Magalada Boorame Iyo Ujeedka Socdaalkoodu Daran Yahay.
  • Xukuumadda Somaliland Oo Si Rasmi Ah U Diidday In FARMAAJO Yimaaddo Hargeysa.
  • Mayirka Degmada Burco  Maxamed Muraad Oo Sharci Daro Ku Tilmaamay Go’aan Ay Soo Saaren Gudida Nabadgelyada Gobolka Togdheer.
  • Caabuqa Coronavirus Oo Qofkii Koowaad Ku Dilay Qaaradda Yurub.
  • Wada-hadallo U Socday Dalalka Qatar Iyo Sucuudiga Oo Fashilmay.
  • Itoobiya Oo Qirtay In Wada Xaajoodkii Biyo-Xidheenku Natiijo La’aan Ku Soo Dhamaaday.
  • Daawo:Ardayda Jaamacada New Generation Burco Oo Soo Bandhigay Progaram Cusub Oo ay Sameeyen.
  • Daawo:Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin  Oo Hanjabaad Udiray Cuqaasha Dalka.
  • Maamulka Gobolka Togdheer Oo Xabsiga U Taxaabay Masuuliyinta Shirkadahha Qaadka keena Magalada Burco.
  • Dawladda Sacuudiga Oo Turkiga Ku Eedeeysay Inuu Taageero Kooxaha Xagjirka Ee Soomaaliya Iyo Liibiya.
  • Daawo:Tartan Ciyaared Degmada Qorayaale Ee Gobolka Togdheer Ka Socday Oo La Soo Gabagabeeyey.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
More FEATURES