Shan Shirkadood Oo Xafiisyadii Ay Ku Lahaayeen Berbera Albaabada  Loo xidhay + Sababta.
Gebo Gebo News

August 21st, 2019
Shan Shirkadood Oo Xafiisyadii Ay Ku Lahaayeen Berbera Albaabada  Loo xidhay + Sababta.

Berbera (Gebogebonews)-Gabi ahaanba waxa saaka albaabada loo xidhay xafiisyada Wakiilada Maraakiibta Koonteenarada Xambaara ee Berbera ee loo yaqaanay (Shipping lines) oo ah shirkado isku xidha Somaliland iyo dunida inteeda kale.

 

 

xafiisyadan la xidhay ayaa waxay qaban jireen oo ay wakiilo ka ahayeen maraakiibta dekeda berbera soo gaadhsiisa badeecada ku jirta kontiinarada.

 

Xidhitaanka xafiisyadana waxa sabab u ah wareegto ka soo baxay wasiirka wasaarada ganacsiga iyo wershaha Somaliland wareegtadaasi oo ku taariikhaysayd marka la gaadho 21 .8.2019 (oo maanta ah ) in wakiilada markiibtu tacriifadii hore ku shaqayn jireen ee loo yaqaan Bill of loaningoo qiimayow kala duwan ay ka qaadi jireen ganacsada alaabada u soo qaadan in wasiirka wasaarada ganacsiga iyo wershadaha uu tacriifadaasi wax ka bedel ku sameeyay amarna ku faray wakiilada markiibta in ay qaadan $85. Ganacsadaha ay alaabta u sidaan hadiiba loo sido ganacsadaha 100 kontiinar in laga qaado $85 kaliyaiyo hadii kale oo loo sido ka badan 500kontiinar in isna laga qaado $85 kaliya oo ah qiimo isku mid ah.

waxa kale oo jira in wakiilada markiibta dekeda berbera iyaga dhinacooda ka doonayso lacago service ah ugu shaqayso lacago xad dhaaf ah sida 100kontiinar 40ft ah dekedu ay ka rabtaa $31,500 ( halka 100kontiinar 20ft ka rabto $ 21,000)

Arintan ayaa markiiay ka soo baxday Xafiiska wasiirka Ganacsiga Iyo Dalxiiska Maxamed Xasan Sacad Saajin waxa warbaahinta la hadlay wakiilada markiibta Koonteenarada Xambaara maamuladood oo si wada jira ah u sheegay inay shirkadaha ay wakiilka ka yihiin iskaga bixinaynin qiimahan uu jaray wasiirka ganacsigu ,waxay ka codsadeen in xaaladooda uu hoos u eego oo wadal hadal la sameeyo hadii ay yihiin wakiiladii markiibta ,Arintan qiimaha ku saabsana daraasad rasmi ah laga sameeyo ,waliba iyagoo dhanka kale wasiirka u diray Ergooyin badan oo ka hadlaaya in arintooda hoos loo eego ayaa wararka aanu ka helayno dhinaca wakiilada markiibtu sheegayaan in wasiirku arintaasi ka gows adagay.

Wakiilada Markiibta Koonteenarada Xambaara ee ka shaqeeya Kunaxidhan Dekeda Berbera ayaa hore u sheegay in marka la gaadho 21.8.2019 hadii wasiirku xal ka keeni waayo cabsahadooda inay albaabada uxidhayaan xafiisyadooda markiibtii kontinarada Somaliland alaabada keeni jireena in dekedaha jaarka ah ee jabtuuti iyo eletariya uwareejin doonaan.

Waxa Kaloo Laga yabaa in isku dhac uu ka dhex qarxo shirkada DP World ee Dekeda Berbera Maamusha Iyo Xukumada Somaliland ee Ka Kireysay Maadama oo Shirkada DP World Dekeda Berbera ukiraysatay inay ka dhigto Dekeda Koonteenar oo Wax kasta oo laga soo rogayo lagu soo rido Koonteenar oo qorsheheeda ay ku shaqaysaana yahay(Container Ports)

Geesta kala Hadii Shirkada Maraakiibta Koonteenarada Xambaaraa sidaa Kaga guuraan Dekeda Berbera Waxa la filayaa in Nitaakho baahsani soo gaadho horumarkii uu dalka somaliland iyo dekediisu hiigsanaayay ee ahaa inuu caalamka la jaan qaado maadama oo hada caalamku uguuray in badeecad kasta iyo qalab kasta oo la rarayo Koonteenar xafidan lagu rido.

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

156 Views




Features

  • Wasiirkii hore Ee Hawlaha Guud Cali Mareexaan Oo Soo Jeediyay In Miiska Uu Ku Shaqeeyo Madaxweyne Biixi Loogu Magac Daro Fannaan Caan Ah.
  • Wasiirka Wasarada Biyaha Saleeban Cali Koore Oo Isku Shandhayn ku Samayeey Agaasime Waaxeedyada Wasaaradaasi.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
More FEATURES