Xaaska Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Fiisaha Maraykanka Loogu Diiday Sabab La Xidhiidha Somaliland.
Gebo Gebo News

August 21st, 2019
Xaaska Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Fiisaha Maraykanka Loogu Diiday Sabab La Xidhiidha Somaliland.

Hargaysa (Gebogebonews)-Carrie Symonds oo ah ra’isal wasaaraha Ingiriiska Mr Boris Johnson saaxiibaddii ayaa dalbatay fiisaha Maraykanka si ay halkaasi u tagto maalmaha soo socda iyada oo qayb ka ah koox arrimaha degaanka ka shaqaysa oo fadhigoodu yahay Maraykanka hase ahaatee dawladda Maraykanka ayaa diiday in ay siiso dal ku galka.

 

 

Wargeyska Daily Mail oo arrintan wax ka qoray wuxuu sheegay in la rumaysan yahay in sababta loogu diiday dal ku galka Maraykanku tahay in ay Somaliland bookhatay sanadkii 2018. Symonds oo la socotay Nimco Cali oo reer Somaliland ah ayaa sanadkii hore timid Somaliland waxaanay la kulantay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyada oo muddo shan cisho ah joogtay.

 

 

Wargeyska ayaa sheegay in ay ra’isal wasaaraha Ingiriiska ee cusub Mr Boris Johnson arrintani waji gabax ku noqotay maaddaama lamaanihiisa loo diiday in ay arrimo shaqo u tagto dalka Maraykanka.

 

 

Miss Symonds ayaa Maraykanka ku lahayd kulamo muhiim ah oo la xidhiidha shaqadeeda iyada oo qayb ka ah urur ka shaqeeya badqabka badaha waxaanay halkaasi tagaysay ka hor todobaadka dambe inta aanay ra’isal wasaare Boris Johnson ku wehelin socdaalkiisa Faransiiska ee shirka waddamada G7.

 

 

 

Wargeyska Daily Mail ayaa ku warramaya in aanay arrintan si degdeg ah u faro gelin Karin madaxtooyada Ingiriisku maaddaama aanu Mr Johnson si rasmi ah u guursan Miss Symonds oo ay wali ku wada socdaan lamaane saaxiib ah.

 

Madaxtooyada Ingiriiska iyo safaaradda Maraykanka ee London ayaan arrintan ka hadal laakiin, ilo diblamaasiyadeed ayaa wargeyska u sheegay in laga shaqaynayo sidii Symonds u tagi lahayd Maraykanka sida qorshaheedu ahaa.

 

 

170 Views




Features

  • Wasiirkii hore Ee Hawlaha Guud Cali Mareexaan Oo Soo Jeediyay In Miiska Uu Ku Shaqeeyo Madaxweyne Biixi Loogu Magac Daro Fannaan Caan Ah.
  • Wasiirka Wasarada Biyaha Saleeban Cali Koore Oo Isku Shandhayn ku Samayeey Agaasime Waaxeedyada Wasaaradaasi.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
More FEATURES