Warbaahinta Maanta Iyo Tii Shalay Qalinkii Maslax Salebaan Sidde.
Gebo Gebo News

September 3rd, 2019
Warbaahinta Maanta Iyo Tii Shalay Qalinkii Maslax Salebaan Sidde.

13 Sano Oo Xidhiidha Ayaa Mihnada Warbaahinta Kusoo Jirey Marba Aan Heer Soo Joogee 6 Tv Ayaan Ka Hawl Galay Oo Aan U Kala Matalay Gobolada Togdheer , Sanaag Gaar Ahaana (Garadag ) Iyo Gobolka Saraar Oo Aan Sanado Badan Ku Qaatay Oo Ahaa Gobolkii Aan Ku Caabaxay Iyo Gobolka Saxaail Oo Labadii Sano Ee Ugu Danbeeyey Aan Ku Sugnaa ,

Tvyada Aan ka Soo Shaqeeyay Waxay Kala Ahaayeen Somaliland Space Channel , Som Sat Tv Oo Markii Uu Kacay Ka Dib Loo Bixiyey Som News, Somali Channel Oo Waqti Danbe Oo Aan saa U Fogeyn Uu Ka Farcamay Somali Cable Tv , Kalsan Tv Hctv Oo Aan Runtii Waqtiga Ugu Badan Ku Qaatay Islamarkaana muddo Dheer Ku Nagaaday Ahaanna Halka Geedigaygu U Socday Oo Aan Ula Baxay Dagalkii Aan Ku Barbaaray Sumacadayda warbaahineedna Kor Iigu Qaaday Iyo Maanta Oo Aan Ka Mid Hawl Wadeenada Eryal Tv Ee G Saaxail

Intaa Waxaa ii Dheer Dhinaca Dhawr Shabakadood Oo aan Update Ka Ahaan Jirey Kama Shaqayn Idaacad Iyo wargays Midna 
Sidoo Kale Warbaahinta Dawlada

Faan Igama Ima Aha Oo Wali Koob Ma Joogo Waxaa Ku Jiray Saxaadauna Waa Wax Yar Ee Waxa Ka Keenay In Maraxaladaa Ka Soo sheekeeyo ,Waxaan Qirayaa Intaa Aan Waqti Soo Shaqeeyay Ee Sadexda Gobol Ka Shaqeeyay Ma Arag Maanta Maalin Warbaahintu Ka Liidato

Xaga Aqoonta , Tayada , Masuuliyada Waxay Gudbinayso Jiilka 5 Sano U Danbeeyey Ee Soo galay Oo Soo Marin Barashada Culuumta Saxaafada Oo Kuso Galay Sawir Qaade Iyo Camera Man Isku Badalay Tabiye War Iyo Barnaamij

Xiligaa Aan Soo Galay ee Aan sheegayo Ayaa Waxa Su.aal Na Weeyey Rugcadaagii Saxaafada Xuseen jaama aw Jibriil (Xagar) Oo Xiligaa Ka Hawl Gali Jirey Idaacada Bbc Da Taas U Dhignayd Warbaahinta Ma Magac Ayaad Usoo Gasheen Mise Manfac ? Waxa Quluubtayada Ku Jirtay Oo Ka Dhadhamaysa Fahanka Warbaahinta Ee Nagu Ababiyey Barahayagii Oo Ahayd Magac iyo Manfac Mel Ma Wada Maraan Ee Magac Ayaan U Galaynaa

Maantana Su.aasha Ugu Badan Ee Dhalinyarada Maanta Ku weydiinaysa Waxay Tahay Qolidiina Qoladiina Warbaahintu Dhaqalaa ka Dharagteen Basha Ma iska soo Galnaa ???

Iska Galkaasu Waxu Keenay In filasha Warbaahinta Ee Maanta Ay Noqotay In Warbaahintu Noqoto Wax kasta Mid Soo Gudbisa In Xitaa Bulshada Aan Wax U Gudbinaa Maanta Qabto Saluuga Warbaahinta

Xiligaa Aan Bilaabay Masuuliyada Warbaahintu Waxay Maraysa In Goob Warbaahineed Kasta Uu Gurada U Fadhiyo Tafatire Rugcadaaya Oo Eega Warka ,Barnaamijka Iyo Warbixinada La Soo Diraayo Taasi Waa Yartahay Maanta Haday Jirtana Waxa laga yaabaa In Wariyaha wax Soo Diraaya Iyo Tafatiruhu Xaga Koriinka Aqoonta Iyo Waayo Aragnimada Isku Mid Yihiin

Waxaa Kaloo Eeda Soo Hoos Galaya Mulkiilayasha Goobaha Warbaahinta Oo Noqday Kuwo Eegta Dano Dhaqaale Oo Xitaa Haddi Waxa Wakiilku Soo Diro Tahay Wax Galafanaya Sii Shaqaynta Xuruntaa Warbaahineed In Uu Door Bido Dhaqaalaha Yar Ee Ku Dhex Jira Taasina Waxay Keenatay Inuu qofku Wuxuu Doono ku hadlo Oo dhaqaale Yar Bixiyo Oo la Siidaayo

Waxaan Jirin Tababaro Loogu Qaadayo Aqoonta Saxafiyiinta

Warbaahin Ahaan Dhaliil Baynu Leenahay Iyo Saluug Bulshadu Inaga Qabtee Aan Isi Saxno

By Maslax Salebaan Sidde

65 Views




Features

  • Daawo:“ Kaligii Talisku Ha Dhaco, Digtaytar Yeeli Mayno, Xorriyad Ayay U Dagaalamaynaa Oo Aynu U Dhimanaynaa ” Gudoomiye Cirro.
  • Daawo:Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Xadhiga Madaxda Xisbiga WADDANI Iyo Nuxurka Uu Xalay La Yeeshay Madaxweyne Biixi.
  • Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabay Afhayeenkii Iyo Xoghayihii Guud Ee Xisbiga WADDANI.
  • Ciidammo La Wareegay Xarunta Guud Ee Xisbiga WADDANI + Afayeenka Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay.
  • “Baad ku Bixin Mayno Nabad galyada Awdal,Dhimasho Iyo Dhiig Ayaa Laga War-Wareegayaa ” Saylici Oo Hadal Kulul Ka Jeediyey Boorama.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
More FEATURES