Maxkamadda Ciidamada Somaliya Oo Dil Ku Xukuntay Askari Dilay Saddex Qof Oo Walaalo Ah
Gebo Gebo News

September 7th, 2019
Maxkamadda Ciidamada Somaliya Oo Dil Ku Xukuntay Askari Dilay Saddex Qof Oo Walaalo Ah

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Soomaaliya ayaa dil toogasho ah ku xukuntay askari ka tirsan Ciidamada dowladda, kaasoo 17-kii bishii June 2018 ku dilay degmada Kaaraan saddex qof oo walaalo ah.

Askarigan oo lagu magacaabo Xaashi Cali Maxamuud ayaa muddo sannad ahaa baxsad, waxaana la soo xidhay bishii 7-da June ee sanadkan 2019, waxaa loo heystaa inuu dilay saddex walaalo ah oo lagu kala magacaabi jiray Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdillaahi Axmed abuukar.

Dilka loo heysto Askarigan ayaa ka dhacay degmada Kaaraan bishii June 2018, waxaana la sheegay in sababta uu saddexdan walaalo u dilay ay ka dambeysay is qabqabsi dhinaca dhulka ah oo ka dhaxeeyay.

Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaadhay in dil lagu xukumo Xaashi Cali Maxamuud oo ah qisaasta Marxuumiinta kala ah Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar oo ahaa walaalo sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, waxaana Go’aanka Maxkamadda ka furan rafcaan ku’eg Sodon cisha xukunka kadib.

168 Views




Features

  • Daawo:Masuulinta Haayada Qandaraasyada Qaranka Oo Warbixin Ka Siiyey Hawlqabdka Haayadaasi Gudida Joogtadee Golaha Wakiilada.
  • Dawlada Ingiriiska Oo Wefti Culus U Soo Diray Madaxweyne Biixi + Nuxurka Qodobada Laga Wada Hadlay.
  • Midawga Yurub Oo Ka Soo Horjeestay Xukuno Qisaas Ah Oo Somaliland Ay Fulisay.
  • Wasiir Iyo Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo Lagu Weeraray Buuraha Gobolka Sanaag Iyo Gaadiid Laga Gubay.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES