Kuuriyada Waqooyi Oo labo Gantaal oo aan Noocooda la sheegin ku Gantay Badda.
Gebo Gebo News

September 10th, 2019
Kuuriyada Waqooyi Oo labo Gantaal oo aan Noocooda la sheegin ku Gantay Badda.

Kuuriyada Waqooyi ayaa labo gantaal oo aan noocooda la sheegin ku gantay badda, sida laga soo xigtay milatariga Kuuriyada Koofureed.

Milatariga Kuuriyada Koonureed ayaa sheegay in gantaallada Kuuriyada Waqooyi laga soo ganay dhul ku yaalla Koonfurta gobolka Pyongan isla markaasna la mariyay biyaha xeebaheeda bari.

 

Kuuriyada Koonfureed ayaa qabanaysa kulan degdeg ah oo ay isugu imaanayaan golaha ammaanka qaranka iyaga oo ka jawaabaya arrinta soo korodhay.

 

Kuuriyada Waqooyi ayaa bilihii dhawaa tijaabisay noocyo badan oo gantaallo ridadoodu gaaban tahay ah. Haddii kuwan la xaqiijiyana waxay noqon doonaa tijaabadii tobnaad tan iyo bishii May.

 

 

Arrintan ayaa imaanaysa saacado uun ka dib markii wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi Choe Son-hui ay soo saartay war qoraal ah oo ay ku sheegtay in dalkeedu uu diyaar u yahay in uu wadahadallo dib ula furo Maraykanka dhammaadka bishan Sabtembar.

 

 

Waxay sheegtay in kulankaas la qaban doono marka ay labada dhinac ku heshiiyaan wakhtiga iyo goobta lagu qaban dooono. Si kastaba ha ahaatee Kuuriyada Waqooyi ayaa Maraykanka u digtay, waxayna sheegtay in loo baahan yahay in lala yimaaddo qorshe ka gadisan midkii hore haddii aan sidaa la yeelinna ay wadahadalladu dhicisoobi doonaan sidii kuwii ka hore.

147 Views




Features

  • Isku-Shaandheyn Lagu Sameeyay Xubno Ka Mida Agaasimeyaasha Wasaaradaha Xukuumadda Somaliland.
  • Daawo; Musuqa Dul hoganaaaya Wasarada Maaliyada Oo La Soo Bandhigay Iyo Fashilka Xukumada Madaxwayne Muuse Biixi
  • Buuhoodle Oo Lagaga Dhawaaqay Jabhad Cusub Oo Lagu Magacaabo SSC + Cabsiwayn Oo Soo WAjahday Deganadaas
  • Warbahinta  Oo Xogo Dheeraad Ah Ka helay Weftiga Beesha Caalamka Ee Somaliland  Ku Soo Waajahnaa
  • Erdogan Oo Sheegay  Inuu Xidhayo Saldhigga Mareykanka ee Turkey
  • Daawo:Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Oo Gaadhi ku Wareejiyay Masuuliyiinta Degmada Salaxlay.
  •  Daawo:Gudida Qandaraasyada Qaranka Oo Shaaciyey Shirkadaha Ku Guulaystay Mashaaric Isugu Jira Dhismayaal Iyo Gaadiid.
  • ” Madaxweyne Yaanu Gacantaada Ku Burburin Xisbiga Kulmiye, Gudoomiye-nimada Wareeji ” Siyaasi Cawil Quule.
  • Maxkamadda Sare Ee Kenya Oo Diiday In La Xidho Xerada Qaxootiga Ee Dhadhaab.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
More FEATURES