Dawladda UK Oo Sharraxday Dhaqaalaha Ay Ku Taageerayso Wejiga Labaad Ee SDF2 Iyo Siday Uga Go’an Tahay Inay Saacido Somaliland.
Gebo Gebo News

September 12th, 2019
Dawladda UK Oo Sharraxday Dhaqaalaha Ay Ku Taageerayso Wejiga Labaad Ee SDF2 Iyo Siday Uga Go’an Tahay Inay Saacido Somaliland.

Hargeysa(Gebogebonews)-Dawladda Ingiriiska ayaa ka hadashay Lacag dhan £31 Milyan oo Gini oo ay la saxeexatay Xukuumadaha Somaliland iyo Netherlands oo loogu talogalay in lagu fuliyo wejiga labaad ee sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF2, kuwaasi oo wax lagaga qabanayo horumarinta adeegyada bulshadda.

 

 

Siday soo warisay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, madaxa Hay’adda DFID Damon Bristow ayaa shabakadda xafiiska Arrimaha Dibadda ee UK u sheegay inay 25 milyan oo Ginni ay Ingiriisku kaga qayb qaadanayaan wejiga labaad ee sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF2, waxaanu tilmaamay in lacagtaasi loogu talogalay mashaariic la hirgelinayo inta u dhexaysa sannadaha 2018 ilaa 2022ka.

 

 

 

Madaxa Hay’adda DFID wuxuu sheegay in dhaqaalaha lagu fulinayo mashaariicdaas ay ugu deeqeen Somaliland, si wax loogaga qabto dhinacyada Waddooyinka, Biyaha iyo Beeraha.

 

 

 

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in ay ku jiraan mashaariic lagu xoojinayo hay’adaha dawliga ah ee Somaliland. Waxa kaloo sarkaalkaasi xaqiijiyey in mashruucii hore ee Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF oo socday 2013kii ilaa 2018 uu guulaystay. Iyadoo Mashaariicdan cusub ee ay la saxeexdeen dawladda Somalilandna ay waafaqsan yihiin qorshaha labaad ee Horumarinta Qaranka.

 

 

 

Damon wuxuu xaqiijiyey in UK ay ka go’an tahay inay taageeraan bulshada Somaliland, isla markaana ay la socdaan dedaaladda iyo taabogalka ay noqdeen laamaha dawladdu, si ay adeegyada daruuriga ah u gaadhsiiyaan dadweynaha.

 

 

 

Waxa kaloo uu sheegay in wejiga labaad ee sanduuqa Horumarinta Somaliland ay ka faa’iidi doonaan dadweynaha Somaliland oo dhammi isla markaana ay ka heli doonaan adeegyo horumarsan, isagoo intaas raaciyey in sanduuqa SDF2 uu saacidi doono koboca dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland.

184 Views




Features

  • Wasiirkii hore Ee Hawlaha Guud Cali Mareexaan Oo Soo Jeediyay In Miiska Uu Ku Shaqeeyo Madaxweyne Biixi Loogu Magac Daro Fannaan Caan Ah.
  • Wasiirka Wasarada Biyaha Saleeban Cali Koore Oo Isku Shandhayn ku Samayeey Agaasime Waaxeedyada Wasaaradaasi.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
More FEATURES