Komishaneerkii Ugu Mudada Dheera Guddida Doorashoyinka Somaliland Oo Ka Cudur Daartey Inuu Mar Saddexaad Ka Mid Noqdo Guddidaas +Sababta.
Gebo Gebo News

September 15th, 2019
Komishaneerkii Ugu Mudada Dheera Guddida Doorashoyinka Somaliland Oo Ka Cudur Daartey Inuu Mar Saddexaad Ka Mid Noqdo Guddidaas +Sababta.

Hargeysa (Gebogebonews)- Komishaneer Cabdifataax Ibraahin Sheekh   oo ahaa  komishineerkii ugu muddo dheeraa Gudida Doorashooyinka Qaranka somaliland ayaa waxaa uu  ka cudur daartey kamid noqoshada  mar saddexaad  guddidaas oo la soo magacaabo

Cabdifataax Ibraahin Sheekh   waxaa uu ahaa  xubinta xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID usoo magacaabeen  Gudida Doorashooyinka somaliland 10-kii sanadood ee ugu danbeeyay isla markaana waxaa uu noqondey  komishanerkii ugu muddada dheeraa komishanka doorashooyinka somaliland , waxaana masuulkani uu si rasmi ah uga cudur daartey in mar sadexaad xisbiga UCID u soo xusho  xubinta guddida doorashooyinka xisbigaas u meteli doonta

Komishaneerka  oo  warqad qoraal ah u gudbiyay gudomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe  waxaa uu ku war galiyey oo uu kaga cudur daartay   in xilkaas loo magacaabo sida ay  ilo xog ogaal ah xaqiijiyeen

 

 

Gudoomiyaha xisiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe  ayaa madalo badan  kaga dhawaaqay in Komishineerka ay mar sadexaad u cugan doonaan uu noqon doono Kominshineer Cabdifataax

 

 

 

Maalmihii ugu danbeeyey waxa jirtay daadaalo  lagu doonayay in komashinerka lagu qanciyo in uu mar sadexaad  jagadaas buuxiyo  balse dadaaladaasi ma noqon kuwo midho dhala

 

Gudomiyaha UCID  ayaa haatan waxa horyaala in muddo kooban uu ku hello cida buuxin lahayd jagadaas.

139 Views




Features

  • Xisbiyadda WADDANI Iyo UCID Oo Booqday In Ka Badan 600 Oo Qoys Oo Sheegay In Qoyska Madaxweyne Biixi Ka Qaadayaan Dhulkii Ay Daganaayeen
  • Laba Sarkaal Oo Ka Tirsan Ciidamada Dabdamiska Somaliland Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Hargeysa.
  • Waa Kuma Taliye Ku xigeenka Cusub Ee Ciidanka Booliska SomaliLand Muxuuse Kayidhi Xilka Madaxweynuhu Umagacaabay.
  • Ruushka Iyo Turkiga Oo Gaadhay Heshiis Ka Dhan Ah Kurdiyiinta Suuriya.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES