“Dalka Waxaan Ka Badbaadinayaa Guul-darro Siyaasadeed Oo Ay Sababto Hoggaan Xumo..” Hadalkii Taariikhda Galay Ee Hoggaamiye Xirsi
Gebo Gebo News

September 22nd, 2019
“Dalka Waxaan Ka Badbaadinayaa Guul-darro Siyaasadeed Oo Ay Sababto Hoggaan Xumo..” Hadalkii Taariikhda Galay Ee Hoggaamiye Xirsi

Xirsi Calli Xaaji Xasan oo hadda ah Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani hore u ahaa Wasiirkii Madaxtooyada xiligii xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo, islamarkaana lagu tiring jiray inuu ahaa wasiirkii ugu awoodda badnaa cahdigaasi dabayaaqadii sannadkii 2015 maalin keliya ku dhawaaqay inuu iskaga tegay xukuumaddii uu ka tirsanaa isaga iyo badiba haldoorkii wasiirada ahaa ee xukuumadaasi, arrintaasi oo fajac iyo amankaag ku noqotay bulshada.

Haddaba horraantii sannadkii 2016 mar uu Xirsi Xaaji Cali bixinayey waraysi uu kaha hadlaayey ujeedada isaga iyo raggii wasiirada ah ee raacay oo la baxay wakhtigaasi Garabka Isbahaysiga, ayaa sheegay hadal taariikhda galay markaasi ay fahmaysay dadka inta indheer garad ahi, balse caamada ka dednaa, waxaana uu si cad u qeexay ujeedadooda iyo waxay doonayaan, waxaa uu xusay inay waddanka ka bad baadinayaan guul darooyin siyaasadeed oo ay keensato hoggaan xumo.

Astaamaha hoggaamiyaha wanaagsan ayey ka mid tahay inuu meel dheer wax ka arko islamarkaana uu saadaalin karo isbedelka mustaqbalka, waxaana uu wakhti badan u bixiyey inuu dalka ka bad baadiyo marxalada qalafsan ee uu ku jiro, taasi oo la odhan karo, waxaa maanta rumoobay wixii uu maalintaasi xirsi ka tigaayey balse dadka qaarkii u arkayeen wax isaga ku kooban.

Xukuumada maanta talada haysa waxay jirtaa muddo ku dhaw saddex sanno ilaa maantana Madaxweynaheenu wuu midayn kari la’ayahay bulshadii doorasahda ku kala irdhowday, sidoo kalena wuu dhaafi kari la’ayahay Imaaraadka,Itoobiya iyo Jabuuti, sidoo kalena waxaa dalka ilaa hadda lagaga dhawaaqay saddex jabhadood, sidoo kalena gebi ahaanba waxa meesha kasii baxaysa dabaqadii nolosha ee dhexe iyadoo ay ku dhawdahay inay dadku noqdaan dabaq sare iyo mid hoose, waana guul daradii siyaasadeed ee uu maalintaasi xirsi ka digaayey.

44 Views




Features

  • Xisbiyadda WADDANI Iyo UCID Oo Booqday In Ka Badan 600 Oo Qoys Oo Sheegay In Qoyska Madaxweyne Biixi Ka Qaadayaan Dhulkii Ay Daganaayeen
  • Laba Sarkaal Oo Ka Tirsan Ciidamada Dabdamiska Somaliland Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Hargeysa.
  • Waa Kuma Taliye Ku xigeenka Cusub Ee Ciidanka Booliska SomaliLand Muxuuse Kayidhi Xilka Madaxweynuhu Umagacaabay.
  • Ruushka Iyo Turkiga Oo Gaadhay Heshiis Ka Dhan Ah Kurdiyiinta Suuriya.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES