Dadaal Xayiraada Dhaqaalaha Lagaga Qaadayo Dalka Suudaan Oo Bilaabay.
Gebo Gebo News

October 7th, 2019
Dadaal Xayiraada Dhaqaalaha Lagaga Qaadayo Dalka Suudaan Oo Bilaabay.

Riyadh(Gebogebonews)-Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay inay ka shaqeyneyso sidii dalka Suudaan uu Mareykanka uga saari lahaa wadamada maalgaliya argagixisada.

 

 

Qoraalkaan ayaa lagu shaaciyay bogga Twitter-ka ay ku leedahay wasaarada Arrimaha dibadda Sacuudiga kadib kulan axadii shalay ay wada qaateen boqorka Sacuudiga madaxa gudiga dowlada ku meel gaadhka ah ee Suudaan Cabdifataax Al-Burhaan iyo raysal wasaare Cabdala Xamduuk.

 

 

 

Dowladda Mareykanka ayaa xukuumadda suudaan waxa ay saartay cunaqabateyn sannadkii 1993-dii kadib markii lagu eedeeyay madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir in uu maalgaliyo kooxaha Argagixisada.

 

 

 

Dowlada ku meel gaadhka ah ee Suudaan ayaa la dhisay bishii Agoosto ee sannadkan kadib dibadbaxyo muddo bilo ah qaatay oo xilka lagaga tuuray madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir oo sodon sanno hayay Talada.

 

 

 

Wasiirka arrimaha dibadda suudaan Asmaa Cabdala ayaa bishii hore sheegay in dowlada cusub ay muhiimadeeda koowaad ay tahay sidii suudaan looga saari lahaa diiwaanka dalalka maalgaliya Argagixisada Caalamka.

 

 

 

Ugu danbeyn boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay inay qeyb libaax ah ay ka qaadan doonto sidii suudaan looga qaadi lahaa xayiraada dhaqaalaha aa saaran si sare loogu qaado kobaca Dhaqaalaha.

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

60 Views




Features

  • Xisbiyadda WADDANI Iyo UCID Oo Booqday In Ka Badan 600 Oo Qoys Oo Sheegay In Qoyska Madaxweyne Biixi Ka Qaadayaan Dhulkii Ay Daganaayeen
  • Laba Sarkaal Oo Ka Tirsan Ciidamada Dabdamiska Somaliland Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Hargeysa.
  • Waa Kuma Taliye Ku xigeenka Cusub Ee Ciidanka Booliska SomaliLand Muxuuse Kayidhi Xilka Madaxweynuhu Umagacaabay.
  • Ruushka Iyo Turkiga Oo Gaadhay Heshiis Ka Dhan Ah Kurdiyiinta Suuriya.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES