Madaxweyne Biixi Iyo Guddoomiye Cirro Oo Aan Weli Soo Xulin Xubnaha Guddiga Cusub Ee Doorashooyinka Qaranka
Gebo Gebo News

October 8th, 2019
Madaxweyne Biixi Iyo Guddoomiye Cirro Oo Aan Weli Soo Xulin Xubnaha Guddiga Cusub Ee Doorashooyinka Qaranka

Madaxweyne Biixi Iyo Guddoomiye Cirro Oo Aan Weli Soo Xulin Xubnaha Guddiga Cusub Ee Doorashooyinka Qaranka
Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaan weli soo xulin xubnihii guddiga cusub ee doorashooyinka.

 

Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan ayaa Madaxweynaha u gudbiyay labada xubnood ee uu u
xulay inay ka mid noqdaan guddiga cusub ee doorashooyinka, labadaas xubnood ayaa kala ah Maxamuud Daahir Jaamac (Dhoodi) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood).

 

Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe
ayaa Madaxweynaha u gudbiyay xubinta uu u soo xulay guddiga cusub ee doorashada oo ah Xasan Yuusuf Ducaale.

Hase yeeshee Madaxweyne Biixi oo uu sharcigu awood u siiyay inuu soo xulo saddex xubnood oo ka mid ah 7-da xubnood ee
guddiga doorashada, ayaan weli soo xulin xubnihii uu ugu tallo galay inay ka mid noqdaan guddiga cusub ee doorashada.

 

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaan isna weli gudbin xubinta uu ugu talo galay guddiga cusub ee doorashada.

Sida ay warar xogogaal ahi sheegeen, waxa la filayaa in maalmaha soo socda ay Madaxweynaha iyo Cirro soo
dhammaystiraan xubnaha laga sugayo, ka dibna uu Madaxweyne Biixi u gudbin doono golaha wakiilada toddobada xubnood

ee uu u ansixiyo inay noqdaan guddiga doorashooyinka qaranka

272 Views




Features

  • “Waxaa Ballan Qaadaynaa In Aanu Mar Dambe Faysal Isu Soo Sharrixi Doonin Madaxweynaha Somaliland” Guddoomiye Baashe Oo Si Kulul U Weeraray Faysal Cali Waraabe.
  • Gudoomiyihii Garabka Dhalinyarada Xisbiga Waddani Oo Is casilay + Sababta.
  • Daawo:Shirweynihii Xisbiga Talada Dalka Somaliland Haye Ee KULMIYE Oo Dib Loo Dhigay +Sababta.
  • Xukumada Somaliland Oo Shaacisay Kiisas Cusub Oo Ah Xanuunka Coved-19.
  • Daawo:Guddida Ka Hortagga Cudurka Halista Ah Ee COVID-19  Ee Somaliland Oo Xisaab Celin Sameeyay.
  • Itoobiya Iyo Eritrea Oo Qorsheeyey Afduub Ka Dhan Ah Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.
  • Tirada Dhimashada Iyo Kiisaska Cusub Ee Xanuunka Covid-19 Ee Somaliland Oo Korodhay.
  • Khabiir Maraykan Ah Oo Ka Digay Halista Ka Dhalan Karta Qorshaha Uu Madaxweyne Biixi Ku Sheegay Inuu Qaddiyadda Somaliland Gayn Doono Maxkamad Caalami Ah.
  • Shacabka Burco Oo Ku Guulaystay Inay Iska Dulqaadan Dulmigii Iyo Tacadigii Ay Ku Haysay Shirkada Laydhka Ee HECO.
  • Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
More FEATURES