Muhaajiriin Ku Dhintay Doon Ku Degtay Jasiiradda Lampedusa Ee Dalka Talyaaniga.
Gebo Gebo News

October 8th, 2019
Muhaajiriin Ku Dhintay Doon Ku Degtay Jasiiradda Lampedusa Ee Dalka Talyaaniga.

Lampedusa)-Ugu yaraan sagaal qof ayaa geeriyooday kadib markii doon ay saarnaayeen muhaajiriin ay ku degtay meel u dhow jasiiradda Lampedusa, sida ay sheegeen ciidamada ilaalada xeebaha ee Talyaaniga.

 

 

22 qof oo kale ayaa badda laga soo bad-baadiyey.

Doontan siday muhaajiriinta ayaa rogmatay ayada oo doon ay leeyihiin ilaalada ay isku dayeysay inay muhaajiriinta kasoo qaado meel badda ah oo 10 km u jirta Lampedusa, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Ilaada Xeebaha.

 

 

Doomo iyo diyaarado qumaati u kaca oo ay leeyihiin Ciidamada Ilaada Xeebaha Talyaaniga ayaa weli raadinaya dad la la’yahay.

 

 

Warbixino laga soo xigtay mas’uuliyiinta Sicily oo ay soo waceen muhaajiriinta ayaa sheegaya in qiyaastii in ka badan 50 qof ay saarnaayeen doonta.

 

 

Ururo aan dowli ahayn ayaa sheegay in ku dhowaad 30 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan sideed caruur ay suurta-gal tahay in la la’yahay.

 

 

Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan QM ee UNHCR ayaa sheegtay in in ka badan 1,000 muhaajiriin ah ay illaa iyo hadda sanadkan dhinteen, ayaga oo ka isku dayaya inay badda Meditareeniyaanka uga gudbaan Yurub.

 

 

 

 

 

Gebogebonews.com

Gebogebonews@gmail.com

112 Views




Features

  • Xisbiyadda WADDANI Iyo UCID Oo Booqday In Ka Badan 600 Oo Qoys Oo Sheegay In Qoyska Madaxweyne Biixi Ka Qaadayaan Dhulkii Ay Daganaayeen
  • Laba Sarkaal Oo Ka Tirsan Ciidamada Dabdamiska Somaliland Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Hargeysa.
  • Waa Kuma Taliye Ku xigeenka Cusub Ee Ciidanka Booliska SomaliLand Muxuuse Kayidhi Xilka Madaxweynuhu Umagacaabay.
  • Ruushka Iyo Turkiga Oo Gaadhay Heshiis Ka Dhan Ah Kurdiyiinta Suuriya.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
More FEATURES