Madaxweynaha Dalka Guinea Oo Cadeeyey Colaada Geelaha Djibouti U Qabo    Somaliland + Dadaalo Uu Ugu Jiro Somaliya
Gebo Gebo News

October 19th, 2019
Madaxweynaha Dalka Guinea Oo Cadeeyey Colaada Geelaha Djibouti U Qabo    Somaliland + Dadaalo Uu Ugu Jiro Somaliya

Madaxweynaha dalka Guinea Alpha Conde, ayaa Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele oo dalkiisa booqanaya wuxuu uga mahadceliyay dedaalo uu sheegay inuu ku dhexdhexaadinayo Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Madaxweyne Alpha Conde, ayaa wuxuu qado sharaf u sameeyay Madaxweyne Geele iyo weftigiisa, waxaanu Madaxweyne Alpha uu khudbadiisa ugu mahadceliyay Madaxweyne Geele oo uu sheegay inuu dalkaas Guine u maray safar ah 7 saacadood,”Mudane Madaxweyne waxaan kaaga mahadcelinayaa sida wanaagsan eed uga soo jawaabtay martiqaadkii aanu kuu fidinay adigoo soo maray socdaal dheer oo 7 saacadood ah.” Ayuu yidhi Madaxweyne Alpha Conde, wuxuuna intaas ku daray, “Waad ku mahadsantahay dedaalkaaga dhexdhexaadinta ah ee aad ka dhex wado Soomaaliya iyo Somaliland.”

 

 

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sannadkan wuxuu booqday dalka Guinea oo ay dawlada Soomaaliya xidhiidhka u jartay ka dib markii ay si diiran u qaabileen, sidoo kalena wuxuu bishii hore booqday dalka Djibouti.

 

 

Booqashadii Madaxweyne Biixi ee dalka Djibouti ayaa keentay warar sheegaya in Madaxweyne Geele doonayo inuu dib u soo celiyo wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee istaagay.

 

 

 

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele oo isna madashaas ka hadlay ayaa ugu horayn Madaxweyne Guinea uga mahadceliyay soo dhawaynta uu ku qaabilay.

 

 

 

Waxa uu Madaxweyne Geele ku tilmaamay Madaxweynaha Guinea inuu door muhiim ah kaga jirto isu soo dhawaynta dalalka qaaradda Afrika iyo in la gaadho awood buuxda oo uu yeesho ururka Midowga Afrika. Laakiin madaxweyne Geele ma soo hadal qaadin arrinta wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee uu madaxweynaha Guinea xusay.

 

484 Views




Features

  • Daawo:Khasaaraha Ka Dhashay Daad Ku Fatahay Tuulada Dhakool Ee Gobolka Togdheer.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
  • Daawo:Gudida Guud Ee Beelaha Habar-jeclo Oo Iclaamiyey  Shirweyne  + Goorta Iyo Goobta Shirku Ka Dhacayo.
  • FAALLO: Xukuumadii Dhuuni-Raac Ama Xukuumadii La-Dheefsado Dhankeeba La Saadaalin inay Dawlada Muuse Biixi Ku Danbayso.
More FEATURES