” Qofkii Magaalada Hub La Dhexmara Waa La Xidhayaa ,Xataa Hadduu Ciidan Yahay ” Guddoomiyaha Gobolka Sool.
Gebo Gebo News

October 19th, 2019
” Qofkii Magaalada Hub La Dhexmara Waa La Xidhayaa ,Xataa Hadduu Ciidan Yahay ” Guddoomiyaha Gobolka Sool.

Laascaanood(Gebogebonews)-Badhasaabka gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa ugu baaqay guud ahaanba bulshadda gobolka Sool gaar ahaana dhalinyaradda in ay kala shaqeeyaan xoojiyaan amniga iyo qaranimadda Somaliland.

Badhasaabku waxa kale oo uu kula dar-daarmay dhalinyaradda gobolka Sool in ay ku dedaalaan sidii sannadkan sii dhamaanaya ee 2019-ka uu gobolka Sool ugu noqon lahaa sanadkii horumarka iyo amaanka.

 

 

Waxaanu tilmaamay in cida nabadgeliyadda iyo deganaanshiyaha loo raadinayaa ay yihiin da’yarta gobolka, isla haddii aanay nabad geliyo jirin aanay sharaf iyo qurux yeelanaynin bulshadu.

 

 

Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu shalay ka jeediyay munaasibad loo qabtay arday ka qalin jebisay jaamacadda Gollis faraceedda magaaladda Laascaanood.

 

 

 

Badhasaabka oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Haddii aanu dawladda nahay, dhalinyaradiinan waxaanu idiinka baahan nahay laba qodob oo keliya. Qaran-nimadda jamhuuriyadda Somaliland in aad xoojisaan reer Laascaanoodoow. Ta aad wax ku gaadhaysaan iyada.

 

 

 

Arrinta labaad ee aanu idiinka baahan nahay waxa weeye, nabadgeliyadda in aad nagala shaqaysaan. Ogaadda haddii aan nabadgeliyo jirin…. Had iyo jeer maamulku nabadgeliyo ayuu ka hadlaa. Nabadgeliyadda cida loo raadinayaa waa idinka”.

 

 

 

Waxaanu intaas raaciyay, “Haddii maanta aanay Laascaanood nabadgeliyo ahayn, oo sanadkan 2019-ka aanu noqon sanakdii inoogu astaysnaa horumarka iyo nabadda. Maanta quruxdaa iyo sharaftaa idinka muuqataa ma jirteen, halka-na (xafladda) isugumaynaan nimaadneen.

 

 

 

Qof walba wel-wel baa dili lahaa sida Muqdisho, oo waxaad odhan lahaydeen toloow gurigaygii ma nabad tegayaa? Nabadu idiga ayaa ku nool, ee iyadu kuguma noola.

 

 

 

Markaa dadweynihiina reer Laascaanood, waxaan idinka codsan lahaa nabadgeliyadda in aad xoojisaan, in aad amaanka ka shaqaysaan. Anagu-na inta waajibaadkayaga ah waan ka soo baxaynaa”ayuu yidhi badhasaabka Sool.

 

 

 

Dhinaca kale C/qani Jiidhe, waxa uu sheegay in gebi ahaanba magaaladda Laascaanood laga mamnuucay in hubka sharci darrada ah lagu dhe qaato, isla markaana xataa haddii ay ciidanku sifo sharci darro ah ku qaataan in la xidhayo.

 

 

Waxaanu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa magaaladda waxaa laga mamnuucay, Hubkii nooca uu doonaba ha noqdee. Qof shicib ah hub looma ogola, xataa hadduu ciidan yahay waa la xidhayaa, haddii uu sharci darro hubka ku qaato.

 

 

 

Waxaanu dagaal adag kula jirnaa bahalkan dhibaatadd au gaystay dhalinyaradeena ee Khamriga. Waxaas oo dhan qayb ayaad ka noqon kartaan, haddii aad nagala shaqaysaan.

Shuruucdii uu boolisku ku shaqayn jiray, wax baa laga bedelay. Habeen iyo maalinba ciidanku idinka ayuu heegan idiin yahay, oo uu ka shaqaynayaa nabadgeliyadiina. Taana waxaan doonaynaa in aad, aad noogala shaqaysaan”.

98 Views




Features

  • Xisbiga Waddani Oo Sheegay Inay Dib U Bilaabayaan Bannaanbaxyadii Haddii Aan La Sii Dayn Mas’uuliyiinta Xisbiga Ee Xidhan
  • Madaxweynaha Somaliland Oo Tabobar U Furay Dufcaddii Ugu Horraysay Ee Loo Carbinayo Saraakiil Ciidan.
  • Daawo:Qoorweynta Beelaha Habar-jeclo Oo Taageero Umuujiyey  Hadalo Ka Soo Yeedhay Boqor Buurmadaw.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
  • Daawo:Wasiir Hinda Gaani Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Hadlo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ku Weeraray Xukumada.
  • Daawo:Siyaasi Tiir Dhexaad U Ahaa Xisbiga Waddani Oo Iscasilay Dhaliilana Ujeediyey Gudoomiye Ciro.
  • Daawo: ” Madaxweynuhu Wuu Ku Fashilmay Shaqadii Loo DoortaySiyaasi Ramaax Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Muuse Biixi.
More FEATURES