Kuwa Geerida iyo Aakhiro ilaawayow……… HusseinLucky Mohamed
Gebo Gebo News

October 25th, 2019
Kuwa Geerida iyo Aakhiro ilaawayow………  HusseinLucky Mohamed

Qaylo dhaan uur-ku- taaladeeda leh ayaa subax noolba ka dhex yeedhaysa warbaahinta dalka, taasoo ka imanaysa dumar, caruur, dhalinyaro iyo waayeel LA ilmaynaya tacadi kaga imanaya qoyska Madaxweynaha oo dhulkoodii Xoog kaga qaadaya, iyagoo adeegsanaya awooda Kursiga Madaxweyne nimo, waxaana ugu danbaysay tan Ku dhacday macalinka caanka ah ee Mahamed Osmaan Saeed (Mahamed Soomaali), kana mid ah ashkaasta ugu qiimaha badan qarankan marka loo eego kumanaan kun ee dhalinyarada ah ee uu dalkiisa wax u baray, tacabkiisuna yahay wershad aan wax soo saarkeeda marnaba lagu khasaarin.

 

 

 

LA yaab ma leh, oo dulmiga ka yimaada kuwa xisaabta aakhiro iyo geerida ilaaway weligiiba waa jiray aduunyada guudkeeda, madax iyo Shacab kuu doonaba ha ahaadee, laakiin, waxaa barbar socon jiray kuwo xaqa u hiiliya oo jawr falka daalimiinta u babac dhiga, daw ma aha, inaad ficilada daalimiinta Ku sugto intuu gurigaaga iyo sariirtaada dusheeda kuugu imanayo, iskana sii daawato ilmada ka tifiq leh inta gacanta dulmi falayaashu hortaa Ku dhacday, ee waxaa muhiim ah inaad si xaq ah isu dhinac taagto kuwa dhibanayaasha u noqday ciddii xaqooda, maalkooda, sharaftooda iyo naftoodaba inay difaacdo ay ahayd.

 

 

 

Golayaasha Guurtida iyo Barlamaanka, waxaan kula talinayaa inaanay noqon kuwo mushaharka uun iskaga suga kuraasta dushooda, oo aan wax kale Ku toorayn, ee waa inaad difaacdaan xaqa iyo maalka dadka aad magacooda Ku meteshaan kuraasta aad Ku fadhidaan.

 

 

 

Kuwa xuquuqdooda LA dulmiyay ee aan Weli codkoodii cidi ka jawaabina, waxaan leeyahay ha ka tanaasulina xaqiina ilaa inta aad ka helaysaan, kuna raadsada si salmi ah oo aan fowdo iyo cabsi toona lahayn, waad guulaysan doontaane.

 

 

 

Kuwa madaxda ka ah hay’adaha garsoorka iyo hay’adaha kale ee arimahani khuseeyaan, waxaan leeyahay, ilaahay ka cabsada, oo si caddaalad ah ugu garnaqa qoyska madaxweynaha iyo dadka rayidka ah ee kiisasku dhex yaalaan, ogaada, Madaxtinimada ilaahay baa bixiya, ee Muuse Biixi ma bixiyo, oo haddii aad dar ilaahay cadaalad u fashaan Ina Biixi waxba idin ma yeeli karo, ilaahay agtiisana Jacayl iyo raali ahaansho waasac ah baa idiin ooli doona, aakhiro iyo aduunyana waad liibaani doontaan, markaas, haddii qoyska Madaxweynuhu gar leeyihiina gartooda siiya, haddii ay gardaran yihiina umadda ka qabta idiinkoon u eegayn waa qoyskii Madaxweynaha, sharcigana ma jirto cid ka saraysaa, waxaana idin hortaala xujada ah, ama inaad xilka aad haysaan Ku raali gelisaan Ina Biixi, Ama aad Allaha awooda Badan Ku raali gelisaan, tan Danbe, ayaana if iyo aakhiraba idiin cidhib room, haddii rabbi idin garansiiyo.

 

 

 

 

Madaxweyne Biixina. Waxaan leeyahay haddii aad ifka Ku ilowdo inaad caddaalad fasho, waxaad ka mid noqon doontaa kuwa naxariista Alle ka qada maalinta xisaabta ee nafluhu baahida daran qabaan, Nolosha ifkuna waa dharaaro is-guraya, oo gebe-gabadoodu ay Gabow dacaa-basar leh iyo geeri tahay, ee intaan qoomamo aan waxtari doonine Ku danbayn lahayd, ka diyaar Garow geerida horteed, oo ifka dushiisa ha Ku noqon boqor aan caadil ahayn……….Ilaahow Ku idhiye wax kaga du’…..

148 Views




Features

  • Baarlamaanka Ingiriiska Oo Lagu Soo Bandhigay Qaddiyada Madax banaanida Somaliland.
  • Daawo:Magalada Burco Oo Laga Furay Tartan Ciyaared Loogu Magac daray Bidhi Caap.
  • Madaxweyne Biixi Oo Xil Ka Qaadis Iyo Magaacis Cusub Sameeyey.
  • Maxay Ka Wada Hadleen Safiirka Somaliya Ee UK Iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland
  • Shuruuddii Ugu Adkayd Oo Jarmalku Ku Xidhay Dugsiga Farsamada Gacanta Burco.
  • Xooghayihii Xisbiga Wadani Ee Wadamada Carabta Amb Safiina Oo Is Casilay Iyo Sababta..
  • Aqoonyahan Ka Tirsanaan Jiray Xisbiga KULMIYE Oo Muqdisho Kaga Dhawaaqay Xisbi Siyaasadeed Cusub.
  • Dhacdo Murugo Leh Oo Ka Dhacday Cisbitaalka Guud Ee Hargaysa & Wiil Yar Oo oxygen La’aan Ugu Geeriyooday.
  • Hantidhawrka Qaranka Oo Baadhis Ka Bilaabay Hay’ada Shaqaalaha Dawlada Somaliland + Dareenada Ku Xeeran.
  • Abwaan Weedhsame Oo Ka Hadlay Dacwad Laga Gudbiyey Iyo Bandhig Sugaaned Xukumadu Ka Joosisay.
  • ” Madaxweyne Laba Isku Heli Maysid ” Hogaamiye Xirsi Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Biixi,Komishanka Dooroshoyinkana Ugu Baaqay Inay Iscasilaan.
  • Qaramada Midoobay Oo Ku Soo Biirtay Dhexdhxaadinta Wadahadalada Somaliland Iyo Somaliya.
  • Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Sheegay In Ganacsiga Ay Wadaagaan Somaliland Uu Aad U Koray Mudadii Uu Xilka Hayay.
  • ” Xadhigaygu Xaqdaruu Ahaa” Siyaasi  Ramaax Oo Ka Hadlay  Xadhigii Ay Xukumadu Kula kacday.
  • Mas’uul Kasoo Goostay Maamulka Puntland Oo Xukuumadda Somaliland Ku Soo Dhawaysay Deegaanka Tuka-raq.
More FEATURES