Oof Wareenka Siyaasada (Qormadii 3 aad) HusseinLucky Mohamed
Gebo Gebo News

October 25th, 2019
Oof Wareenka Siyaasada (Qormadii 3 aad)  HusseinLucky Mohamed

Soo if-bixii jabhadda Korneyl Caare ayaa iyana noqotay dabayl qabow oo oofta bidix kaga dhufatay xisbiga WADANI, labo arimoodba waxay ugu yeelatay raadeyn taban, tan hore, siday ii xaqiijiyeen saraakiil sarsare oo Xisbiga WADANI ahi, 60% dhaqaalihii xisbiga WADANI ka heli jiray taageerayaashiisa Garxajis waxay u baydhay dhinaca Korneyl Caare, maadaama ay u arkaan Geesi dulmi diid ah,

tani, waxay laciifisay hanaqaadkii xisbiga ee baahinta awoodiisa siyaasadeed ee dalka, waxanay hadyad dadban u noqotay Xisbiga KULMIYE ee ay loolanka siyaasiga ah ku wada jiraan, oo u arka liicitaanka dhaqaale ee Xisbiga WADANI furaha guushooda, saameynta dhaqaale ka sokow, iyana waxaa jira mid siyaasadeed, oo ah in Kaadiriinta Xisbiga KULMIYE iyo xukuumadooduba ay jabhadda Korneyl Caare ku sifeeyaan inuu yahay fidqo ka mid ah Xisbiga WADANI, iyagoo arintan isu-egta ah u isticamaalaya qaab borobogaandi siyaasi ah oo ay ku naafeeyaan sumcadda Xisbiga WADANI ee bulshada dhexdeeda, una bandhigaan Shacabka sawirka ah in ay rabaan inay dalka burburiyaan, iyaguna yihiin kuwa ka horjooga burburinta dalka, iyadoo taageeryaasha, xubnaha iyo saraakiisha aan Garxajiska ahayn ee Xisbiga WADANI ka tirsani ay arintan ku dhex jaah wareersan yihiin.

Arinta kale ee Xisbiga WADANI iyo hogaankiisaba caqabadda ku ahi, waa sidii ay u maarayn lahaayeen, raadaynta wiiqan ee Doorashadii Madaxweyne ee 2017 ay quluubtooda kaga tagtay in badan oo taageerayaasha Xisbiga WADANI ee kazoo jeeda Beesha Garxajis ka mid ah, kuwaasoo cunfi iyo cadho-ba u qaaday deegaanada ay u arkaan inay xisbiga ka codeeyeen waqtigaas, iyagoo aan qarsanin cadhadooda ee si cad u muujiya, waxaanay arintani nabar ku beertay kalsoonida taageerayaasha Xisbiga ee aan Garxajiska ahayn, oo aan raali ku ahayn waxa xisbigooda ka dhex hulaaqaya, in badan oo kale oo xisbiga damac ka hayayna ay dib u hakadaan. tan macnaheedu ma ahan, in dhamaanba taageerayaasha WADANI ee kazoo jeeda Beesha Garxajis ay arintan iskaga mid yihiin,, balse, waxaa jira in badan oo kazoo horjeeda cunfiga noocan oo kale ah,una aragta inaanay sidani xisbiga iyo dalkaba dan u ahayn, kuna hawlan sidii Xisbiga dhexdiisa looga sifayn lahaa aragtiyahan faasidka ah ee jiritaanka xisbiga dhantaalaya. Si kastaba ha ahaatee, waxaa muhiim ah in xisbiga WADANI ka yeesho istraatijiyad cad oo lagu maareeyo arimahan laf-jabka ku ah hanaqaadka xisbiga, waajibka kowaadna wuxuu saran yahay Gudoomiyaha Xisbiga oo isagu ah kan damaca siyaasiga ah leh, una baahan codka qofkasta iyo hayb kasta, haddii kale, wuxuu u diyaar garoobi doonaa inuu markasta galo tartan doorasho oo hadyad dadban u noqda Korneylka maanta dalka hor fadhiya.

Asalkaba, qaacidada furaha u ah siyaasadu, waa inaad ku fara adaygto taageerayaashaada ku jecel, una dhoola-ca dayso si aad quluubtooda u raadayso kuwa aad ogtahay inaanay ku jeclayn, siyaasada laguma macneeyo inay tahay wax rigli ah oo markasta meel iska taagan, laakiin, taas cakiskeeda, waa mid dildilaanta oo hadba dacal joogta, waa sababta loo yidhaahdo siyaasdu Dan joogta ah bay leedahaye, saaxiib joogto ah malaha, dhaqanka siyaasada lagu yaqaanaa, waa in saaxiibkii aad shalay isugu dhoweydeen, maanta isugu fogaataan, kaad shalay isugu fogaydeena aad maanta isugu dhawaataan, waayo, masaaliixda siyaasadeed ee siyaasiga ayaa ah mid guurguurta, taas ayaana jaangoysa hadba cidda ay u eekaanayaan taageerayaashiisu.

Haddii aynu Geediga dhanka KULMIYE u rarno, duufaano siyaasadeed ayaa kusoo fool leh, kuwaasoo la hubo inay jaangoyn cusub ku saaameyn doonaan sawirka uu mustaqbalka yeelan doono xisbigaasi, waxaana durbaba soo muuqanaya dildilaacii————la soco qormada 4 aad…

46 Views




Features

  • Daawo:Taliyaha Ciidamada Boliska Somaliland Oo Sheegay Inay Ilaalada Gudoomiye Cirro Toogteen Askari Boolis  Ah.
  • Daawo:Masuuliyinta Xisbiga Wadani Ee Togdheer Oo Taageero Umuujiyey Banaan-baxa Gudoomiyaha Xisbiga Wadaani Ugu Baaqay Taageerasha Xisbigaasi Ee Gobolda Dalka.
  • Daawo:“ Kaligii Talisku Ha Dhaco, Digtaytar Yeeli Mayno, Xorriyad Ayay U Dagaalamaynaa Oo Aynu U Dhimanaynaa ” Gudoomiye Cirro.
  • Daawo:Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Xadhiga Madaxda Xisbiga WADDANI Iyo Nuxurka Uu Xalay La Yeeshay Madaxweyne Biixi.
  • Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabay Afhayeenkii Iyo Xoghayihii Guud Ee Xisbiga WADDANI.
  • Ciidammo La Wareegay Xarunta Guud Ee Xisbiga WADDANI + Afayeenka Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay.
  • “Baad ku Bixin Mayno Nabad galyada Awdal,Dhimasho Iyo Dhiig Ayaa Laga War-Wareegayaa ” Saylici Oo Hadal Kulul Ka Jeediyey Boorama.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
More FEATURES