Oof wareenka Siyaasadda!!! (Qormadii 2 aad) HusseinLucky Mohamed
Gebo Gebo News

October 25th, 2019
Oof wareenka Siyaasadda!!! (Qormadii 2 aad)  HusseinLucky Mohamed

90% xisbiga WADANI oo taageero dhaqaale, mid codeed, iyo mid niyadeedba ku tiirsan Beesha Garxajis ee uu kasoo jeedo Gudoomiyaha Xisbiga, ahna Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga, ahna xisbiga labaad ee ugu weyn Somaliland ayaa loolan iyo hardan-siyaasadeed adag kula jiraa Xisbul Xaakimka KULMIYE oo isaguna ah mid haatan ku tiirsan taageeradda dhaqaale ee xukuumadda talada haysta, iyo tan beelaha H/jeclo iyo H/Awal, halka ay labada xisbi si siman u kala qaybsadaan taageeradda beelaha kale ee Somaliland ku dhaqan.

Dhinaca kale,, Marka la eego habka loo dyaariyay saaxadda iyo garoonka tartan-ciyaareedka siyaasadeed loogu talo galay in lagu galo, waxaad arkaysaa in bilowgii horeba xisbiga Kulmiye loo diyaariyay saaxad u qaabaysan in guushu markasta dhankiisa u janjeedhsato, haddii aynu dib u milicsano habkii ay asalkii hore kusoo baxeen sadexdan xisbi, xisbiga KULMIYE oo markiisii hore ku tiirsanaa in ka badan 90% taageeradda beelaha H/jeclo, H/awal iyo Arab ayaa waxaa khatar ku ahaa soo bixitaanka ururadii RAYS ee uu hogaamiyaha ka ahaa Mr Xasan Gaafaadhi (oo kazoo jeeda beesha H/jeclo) , ahna wasiirka xanaanadda xoolaha iyo Kaluumaysiga ee haatan, iyo ururkii Xaqsoor oo uu hogaamiyaha ka ahaa Mr. Xasan Ciise Jaamac (oo kazoo jeeda beesha Arab) , ahaana Madaxweyne-xigenkii hore ee Somaliland, khatartuna waxay ahayd in soo bixitaanka labadan xisbi ay abuuri karto in xisbiga Kulmiye waayo kala badh, ama inta badan taageeradda beelaha H/jeclo iyo Arab, si khatartan siyaasiga ah meesha looga saaro, waxaa is reeb-reebkii hore ee ururada meesha laga saaray labadaas xisbi ee RAYS iyo XAQSOO si Xsbiga KULMIYe ugu sii negaado taageeradda beelsaha H/jeclo iyo Arab, iyadoo hogaamiyayaashii KULMIYE ee xiligaasina ay si gaar ah isha ugu hayeen in musharax iyo Xisbi kale oo haysta taageeradda beesha H/awal oo aan KULMIYE ahaynina saaxadda soo gelin.

Dhinaca kale, beesha Garxajis oo siyaasiyan ahayd khatarta ugu weyn ee KULMIYE haystay siyaasad ahaan, ayaa loo dhigay shax u ekayd oof wareen siyaasadeed, balse aanan hubin inay sidaas u dhaadanayaaeen iyo in kale, iyadoo loo soo saaray labada xisbi siyaasadeed ee UCID iyo WADANI, qasdiga ugu weyn ee laga lahaana waxay ahayd in la wiiqo awoodooda codeed iyo tooda dhaqaaleba, loona abuuro labo xisbi oo ay awoodoodu u kala qaybsanto, halkii ay mid ka ahaan lahayd, halka Xisbiga KULMIYANA laysugu geeyay awoodaha H/Awal, H/jeclo, iyo Arab, iyo boqoley qaybsan oo taageeradda beelaha kale ah, lagana reebay ururo- siyaasadeedkii khatarta ku ahaa ee RAYS iyo XAQSOOR, mucda shaxdu waa in KULMIYE mar walbo haysto taageeradda beesha H/jeclo 80%, taageeradda beesha H/awal 80%, taageerada beesha Arab na 80%, taageeradda beelaha kale ee Somaliland na si boqolay-saami-siman ah ula qaybsado xisbiga WADANI iyo UCID, halka Xisbiyada WADANI iyo UCID haystaan 90% taageeradda beesha Garxajis ee u qaybsan labadooda, iyo tirade boqoleyda saamiga siman ah ee beelaha kale ee Somaliland, oo ah mid ay ula siman yihiin Xisbiga KULMIYE, istraatijiyadda Kulmiyena waxay ku qotontay falsafada ah xooji quwadaada, oo qaybi awooda kaasoo horjeeda si aad u libaysato, halkaasna waxaa iska cad in natiijada ciyaartu cid meel isaga sii taalo. oo ay tahay mid xilli hore laga sii shaqaystay.

Oof wareenka labaad ee siyaasiga ah ee Xisbiga WADANI waqtiyadan danbe haleelayna wuxuu yahay……..la soco qormada 3 aad…

39 Views




Features

  • Daawo:Taliyaha Ciidamada Boliska Somaliland Oo Sheegay Inay Ilaalada Gudoomiye Cirro Toogteen Askari Boolis  Ah.
  • Daawo:Masuuliyinta Xisbiga Wadani Ee Togdheer Oo Taageero Umuujiyey Banaan-baxa Gudoomiyaha Xisbiga Wadaani Ugu Baaqay Taageerasha Xisbigaasi Ee Gobolda Dalka.
  • Daawo:Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Xadhiga Madaxda Xisbiga WADDANI Iyo Nuxurka Uu Xalay La Yeeshay Madaxweyne Biixi.
  • Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Utaxaabay Afhayeenkii Iyo Xoghayihii Guud Ee Xisbiga WADDANI.
  • Ciidammo La Wareegay Xarunta Guud Ee Xisbiga WADDANI + Afayeenka Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay.
  • “Baad ku Bixin Mayno Nabad galyada Awdal,Dhimasho Iyo Dhiig Ayaa Laga War-Wareegayaa ” Saylici Oo Hadal Kulul Ka Jeediyey Boorama.
  • Daawo:Isuduwaha Wasaarada Caafimadka Togdheer Oo Sharaxay Muhiimada Uu Leeyahay Mashruuc Kor Loogu Qaadayo Caafimaadka Hooyada Iyo Dhalaanka Oo Burco Lagu Daah Furay.
  • Daawo:Barnaamij Koob Saday Waxqabadka Gudida Qandaraasyada Qaranka + Ganacsatada Oo Heshay Goob Ay Si-Cadaalada Ugu Tartamaan.
  • Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Si Adag U Dhaliilay Dhismaha Jidka Berbera Corridor Ee Dhawaan La Dhagax Dhigay.
  • Dawlada Kenya Oo U yeedhay Safiirkeedi Muqdisho, kuna Amartay Safiirka Somaliya Inuu Ka baxo Dalkeeda.
  • Saddex Masuul Oo Xilal Wasiirnimo Ka Soo Qabtay Xukuumadii Siilaanyo Oo Muqdisho Ka Degay.
  • Somaliland Oo Cadaysay Mawqifkeeda Ku Aadan Dawlaha UK iyo Ruushka Oo Doonaya Inay Saldhigyo Milatari Ka Samaystaan Berbera.
  • Shirkada Dp World Oo Ka Noqotay Heshiiskii Ay Ku Maalgelinaysay Dekedda Magaalada Berbera Iyo Itoobiya Oo Caqabad Ku Noqotay Somaliland.
  • Daawo:Siyaasi Ka Tirsan Kulmiye Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeyey Inuu Burburinayo Xisbiga Kulmiye Fashilyey-na Siro.
  • Dawladda Maraykanka Oo War Cusub Ka Soo Saarey Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.
More FEATURES