Oof wareenka Siyaasadda, Qormadii 4 aad… HusseinLucky Mohamed
Gebo Gebo News

October 25th, 2019
Oof wareenka Siyaasadda, Qormadii 4 aad… HusseinLucky Mohamed

Xisbiga KULMIYE oo ah mid 60% ku tiirsan isbahaysiga siyasadeed ee Beelaha H/Awal iyo H/Jeclo ee Jeegaanta loogu yeedho, iyo 40% Taageerada Beelaha kale ee Somaliland, ayaa habka loo doorto hogaanka sare (Gudoomiyaha iyoMusharaxa Madaxweynenimo) ee xisbigu uu yahay mid kaltan hagbadaysan ku dhisan oo labadan beelood dhex yaala, balse, aan fursad siyaasi ah oo ay nasiibkooda ku tijaabiyaan u haynin siyaasiyiinta damaca leh ee xisbiga ka tirsan, kana soo jeeda beelaha kale ee Xisbiga taageera, kuwaasoo, taageeradooda la’aanteed aan xisbigu guulaysteen, ma cadda tani inay tahay mid lagu saydareeyay siyaasad ahaan Siyaasiyiinta kazoo jeeda beelaha kale, iyo inay tahay fursad iyagu ay bixiyeen, oo aanay la iman damaca iyo hanka musharaxnimo, inagoo ogsoon, in dabciga bashariga ah ee mulkiga kursigu ahayn wax si fudud hadyad laysugu siiyo, ee ay tahay wax saymo dhexdood iyo dhudhubo shareeran guntood lagala soo dhex baxo, mararka qaarna ay wiil iyo aabihii isku galaaftaan.

Si kastaba ha ahaatee, Haddaynu in yar dib u milicsano taariikhda hogaanka xisbiga, Aasaasihii Xisbiga KULMIYE, Mr. Axmed Siilaanyo oo kazoo jeeday beesha H/Jeclo, guushiisii doorashada Madaxweynanimo ee sanadkii 2010 kadib, wuxuu muddo labo bilood gudahood ah Gudoomiyanimadii Xisbiga ku wareejiyay Madaxweynaha JSL haatan, Mr, Muuse Biixi Cabdi oo kazoo jeeda Beesha H/Awal, welina ah Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, wareejintaas oo ku salaysnayd heshiis labada masuul horey ugu dhexmaray magaaladda Burco sanadkii 2009 kii intii uu socday Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE. Sanadkii 2015-kiina wuaxaa madaxweyne Ahmed Siilaanyo ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay inuu musharax noqdo mar kale, laakiin, taas bedelkeedi, wuxuu , si canka-mud ah, oo aan rabitaanka xisbiga waafaqsanayn ugu caleema-saaray Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga, Mr. Muuse Biixi Cabdi oo markaas ahaa Gudoomiyihii Xisbiga, sidaasna uu markii danbe ku noqday Madaxeynaha JSL ee waqtigan.

Dhinaca kalena , waxay arintani keentay dildilaacii ugu cuslaa ee abid soo mara taariikhda Siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE intuu jiray, iyadoo ay xisbiga iyo golihii Xukuumaddaba iskaga dareereen rag beryaha qaar biyo-culusta u fadhiyi jiray talada Kulmiye iyo tan xukuumadaba, una abuurtay fursad-siyaasadeed naadir ahayd kuwo dayra-dhaafka siyaasadeed in badan dibad-yaal u ahaa, oo uu madaxweynaha maanta joogaa kow ka ahaa, Kuwaasoo maalmaha nabsiga, ee samirka weheshaday u saamaxeen inay gurada u galaan Qasri talada kasoo baxdaa ay in badan qamuunyo iyo Ciil siyaasadeed ku habtay dareenkooda beryaha qaar, kuna sigtay in saymihii siyaasadeed ee maalmaha qaar la mallkiyay ay istarook noloshooda wehel uga dhigto, taasoo weli aan ka go’in maankooda iyo quluubtooda iyagoo xataa guulaystay dhibaabo dabadeed.

Dharaaro dabadood, Hilaada iyo odoroska Siyaasada,waxaa la filayaa in Madaxweyne Biixi uu iska wareejiyo xilka Gudoomiyanaimada xisbiga marka la gaadho shir-weynaha Xisbiga ee la filayo inuu qabsoomo sanadka 2020, waxaana durbaba bilowday hardan u dhaxeeya Arbayaasha Siyaasada ee kasoo jeeda Beesha H/jeco, oo iyadu u aragta inay hagbadu markeedii tahay, aragtidan oo ah mid baal marsan shuruucda iyo mabaadii’da xisbiga u yaala, loojigana aan sax ku ahayn marka laga hadlayo xisbi qaran oo sharciyadda qaran ku dhisan, lagana metelo deegaano kala gedisan, arabayaashan waxaa ugu tun weyn labada Siyaasi ee kala ah……….la soco Qormada 5aad…….

114 Views




Features

  • Baarlamaanka Ingiriiska Oo Lagu Soo Bandhigay Qaddiyada Madax banaanida Somaliland.
  • Daawo:Magalada Burco Oo Laga Furay Tartan Ciyaared Loogu Magac daray Bidhi Caap.
  • Madaxweyne Biixi Oo Xil Ka Qaadis Iyo Magaacis Cusub Sameeyey.
  • Maxay Ka Wada Hadleen Safiirka Somaliya Ee UK Iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland
  • Shuruuddii Ugu Adkayd Oo Jarmalku Ku Xidhay Dugsiga Farsamada Gacanta Burco.
  • Xooghayihii Xisbiga Wadani Ee Wadamada Carabta Amb Safiina Oo Is Casilay Iyo Sababta..
  • Aqoonyahan Ka Tirsanaan Jiray Xisbiga KULMIYE Oo Muqdisho Kaga Dhawaaqay Xisbi Siyaasadeed Cusub.
  • Dhacdo Murugo Leh Oo Ka Dhacday Cisbitaalka Guud Ee Hargaysa & Wiil Yar Oo oxygen La’aan Ugu Geeriyooday.
  • Hantidhawrka Qaranka Oo Baadhis Ka Bilaabay Hay’ada Shaqaalaha Dawlada Somaliland + Dareenada Ku Xeeran.
  • Abwaan Weedhsame Oo Ka Hadlay Dacwad Laga Gudbiyey Iyo Bandhig Sugaaned Xukumadu Ka Joosisay.
  • ” Madaxweyne Laba Isku Heli Maysid ” Hogaamiye Xirsi Oo Dhaliilo Ujeediyey Madaxweyne Biixi,Komishanka Dooroshoyinkana Ugu Baaqay Inay Iscasilaan.
  • Qaramada Midoobay Oo Ku Soo Biirtay Dhexdhxaadinta Wadahadalada Somaliland Iyo Somaliya.
  • Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Sheegay In Ganacsiga Ay Wadaagaan Somaliland Uu Aad U Koray Mudadii Uu Xilka Hayay.
  • ” Xadhigaygu Xaqdaruu Ahaa” Siyaasi  Ramaax Oo Ka Hadlay  Xadhigii Ay Xukumadu Kula kacday.
  • Mas’uul Kasoo Goostay Maamulka Puntland Oo Xukuumadda Somaliland Ku Soo Dhawaysay Deegaanka Tuka-raq.
More FEATURES